Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sacdiyo Bajaaj oo lagu xiray Muqdisho iyo mucaaradka oo… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sacdiyo Bajaaj oo lagu xiray Muqdisho iyo mucaaradka oo…


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, taas oo maalmahan kasoo muuqatay baraha bulshada, iyada oo dhaleeceyneyso dowladda Soomaaliya.

Sacdiyo ayaa kamid ahayd koox dhalinyaro ah oo hoggaamineysay dibadbax ay haatan wadaan Bajaajleyda oo ka cabanaya qiimo kororka ku yimid shidaalka oo saameyn ku yeeshay shaqadooda.

Xarrigeeda ayaa waxaa durbo cambaareeyay mucaaradka, gaar ahaan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wax laga xumaado ku tilmaamay, isaga oo sidoo kale dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Sacdiyo.

“Hoggaaminteeda dibadbaxa wuxuu muujinayaa geesinimo, masuuliyad muwaadinnimo iyo ruux xuquuq u doodis. Xarigga gabar dhallinyaro ah oo waxa kaliya ee ay samaysay uu yahay abaabulka dibadbax nabadeed wuxuu dirayaa farriin walaac leh, heerka xorriyadaha muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;

Waxaan si adag u cambaaraynayaa xarigga loo geystay Sacdiyo Macallin Cali, oo ah darawalad Bajaaj, isla-markaana ka mid ahayd dibadbaxayashii ka cabanayey culaysyada lagu hayo bahda Bajaajleeyda.

Sacdiyo ma aha oo kaliya wade Bajaaj ee waa gabar labo shahaado jaamacadeed shaqo ku waysay, balse sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay kaxaynta Bajaajta u dooratay in ay nafteeda iyo tan qoyskeeda ku maareyso.

Hoggaaminteeda dibadbaxa wuxuu muujinayaa geesinimo, masuuliyad muwaadinnimo iyo ruux xuquuq u doodis.

Xarigga gabar dhallinyaro ah oo waxa kaliya ee ay samaysay uu yahay abaabulka dibadbax nabadeed wuxuu dirayaa farriin walaac leh, heerka xorriyadaha muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan. Abaabulka iyo ka qaybqaadashada dibadbaxa nabadeed ma aha dembi balse waxaa danbi gelaya kuwa ku tumanaya xaq dastuurku damaanad qaaday.

Xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay horeyba u wajahayeen shaqo la’aan, duruufo dhaqaale oo adag, iyo fursado sii yaraanaya, jawaabta ay bixiyaan hay’adaha dowladdu waa in ay noqotaa wada hadal iyo wax ka qabad tabasho ee ma aha cabsi gelin iyo xarig.

Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha nabdgelyada in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiyo, lana ixtiraamo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadinka.

Waxaa muuqaata in dowladdu ay cabsi wayn ka qabto abaabulka dhallinyarada iyo in ay cod midaysan xuquuqdooda ku dalbadaan, laakiin caburinta iyo aamusinta codkooda xal ma aha ee dhagaysiga tabashada iyo ka qaybgelinta talada ayaa xal ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard