Los Angels (Adduun.com) — Hay’adda Dembi-baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ayaa maalmihii lasoo dhaafay laamaha booliska ee gobolka California uga digtay in Iiraan ay aargoosi ahaan weeraro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) uga fulin karto Xeebta Galbeed ee Mareykanka, sida lagu sheegay xog-amni oo ay aragtay shabakadda wararka ee ABC News.
“Waxaan dhawaan helnay xog muujinaysa in horraantii bishii Febraayo 2026, Iiraan ay damacsanayd inay weerar lama filaan ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ka fuliso markab aan la aqoonsan oo ku sugan xeebaha Dhulweynaha Mareykanka, si gaar ahna loo bartilmaameedsado goobo aan la cayimin oo ku yaalla California, haddii ay dhacdo in Mareykanku uu duqeymo ku qaado Iiraan,” ayaa lagu yiri digniintan xasaasiga ah ee la qaybiyay dhammaadkii bishii Febraayo. “
Ma hayno xog dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga, qaabka, bartilmaameedka, ama dembiileyaasha fulinaya weerarkan la sheegay.”
Digniintan ayaa soo baxday xilli maamulka Madaxweyne Trump uu bilaabay weerarada milateri ee haatan ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Iiraan ayaa dhankeeda aargoosi ahaan duqeymo Drones ah la beegsanaysay bartilmaameedyo ku kala baahsan guud ahaan Bariga Dhexe.
Afhayeen u hadlay xafiiska FBI-da ee Los Angeles (LA) ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan, halka Aqalka Cad uusan isna si degdeg ah uga jawaabin codsi ahaa inay faahfaahin ka bixiyaan.
Halista drones-ka ee xuduudda Mexico
Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay si weyn uga walaacsanaa adeegsiga sii kordhaya ee Drones-ka ee ay isticmaalayaan kooxaha ka ganacsada daroogada ee Mexico (Cartels), iyo suurta-galnimada in teknoolajiyadaas loo adeegsado weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha ka hawlgala xuduudda.
Warbixin amni oo soo baxday bishii Sebtembar 2025 oo ay aragtay ABC News ayaa xustay: “Warar aan wali la xaqiijin ayaa soo jeedinaya in hoggaamiyeyaasha kooxaha maafiyada Mexico ay oggolaadeen in weeraro Drones ah oo xambaarsan waxyaabaha qarxa lala beegsado laamaha fulinta sharciga iyo ciidamada milateriga Mareykanka ee ku sugan xuduudda Mareykanka iyo Mexico.”
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in weerar noocan ah oo lagu qaado danaha Mareykanka ee gudaha dalka uu noqon doono mid aan horay loo arag, balse uu muujinayo dhacdo dhici karta, in kasta oo kooxaha maafiyadu ay inta badan ka fogaadaan falal keeni kara in mas’uuliyiinta Mareykanku ay qaadaan jawaab-celin adag.
Xafiiska Badhasaabka California, Gavin Newsom, ayaa u sheegay ABC News: “Xafiiska Adeegyada Degdegga ah ee Badhasaabka ayaa si firfircoon ula shaqeynaya saraakiisha amniga ee gobolka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa federaalka si loo ilaaliyo bulshooyinkeenna.”
Waaxda Booliska ee Degmada Los Angeles (LA Sheriff’s Department) ayaa dhankeeda sheegtay in “iyadoo la eegayo dhacdooyinka caalamiga ah ee haatan taagan” ay wadaan ilaalin “heer sare oo u-diyaargarow ah.”
“Si taxadar dheeri ah loo muujiyo, iyadoo la tixgelinayo munaasabadaha diimeed ee xilligan lagu jiro, Waaxdu waxay sii wadday kordhinta roondooyinka lagu kormeerayo goobaha cibaadada, xarumaha dhaqanka, iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ku yaalla guud ahaan Degmada,” ayaa lagu yiri bayaanka waaxda.
“Waxaan si firfircoon dib-u-eegis ugu sameynay qorshayaasheena hawlgelineed, waxaan xoojinay wada-shaqeynta saldhigyadeena, waxaana xaqiijinay in ilo dheeri ah ay diyaar yihiin haddii loo baahdo.”
Xiriirka Iiraan iyo Laatiin Ameerika
John Cohen, oo ah falanqeeye dhanka sirdoonka ah oo la shaqeeya ABC News, horayna u soo noqday madaxa sirdoonka ee Waaxda Amniga Gudaha (DHS), ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay suurtagalnimada in dagaalka Drones-ka uu Mareykanka kaga yimaado labada dhinacba — Badweynta Baasifigga iyo dhanka dalka Mexico.
“Waxaan ognahay in Iiraan ay joogitaan ballaaran ku leedahay Mexico iyo Koonfurta Ameerika, waxay leeyihiin xiriirro, waxay haystaan diyaaradaha Drones-ka, haddana waxay leeyihiin dhiirigelintii ay ku fulin lahaayeen weeraro,” ayuu yiri Cohen.
“FBI-du aad bay u caqli badan tahay inay soo saarto digniintan si laamaha gobolka iyo kuwa maxalliga ah ay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan, ugagana jawaabaan noocyadan khataraha ah. Xogta ceynkan ah waxay si gaar ah muhiim ugu tahay laamaha fulinta sharciga.”
In kasta oo digniinta FBI-da aysan si gaar ah u qeexin sida ama goorta maraakiibta xambaarsan Drones-ka weerarka ah ay ugu soo dhowaan karaan berriga Mareykanka, saraakiisha sirdoonka ayaa muddo dheer ka walaacsanaa in qalab milateri horay loo sii geeyay — ha ahaato dhulka ama maraakiibta badda dhexdeeda ah — diyaar loo sii dhigo haddii ay dhacdo in Israa’iil ama Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan.
