Washington (Adduun.com) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu isha ku hayo sidii si dhaqso ah loogu soo afjari lahaa dagaalka uu Mareykanku kula jiro Iiraan, xilli qaar ka mid ah la-taliyeyaashiisa ay si hoose ugu boorinayaan inuu raadiyo qorshe bixitaan (exit plan).
Tallaabadan ayaa timid kadib markii qiimaha shidaalka adduunku uu gaaray heer sare, iyadoo laga cabsi qabo in colaad daba-dheeraata ay dalka gudahiisa ka keento cawaaqib xumo siyaasadeed, ayada oo aysan muuqan guul laga gaaro Iiraan..
Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay gobolka Florida Isniinta, Trump ayaa hawlgalka milateri ku tilmaamay mid inta badan xaqiijiyay yoolkiisii. “Aad ayaan uga horreynaa jadwalkii loogu talogalay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay inuu aaminsan yahay in dagaalku uu “mar dhow” soo dhammaan doono.
In kasta oo uusan bixin waqti rasmi ah oo falkan lagu soo afjarayo, madaxweynaha ayaa u muuqday mid u diyaar garoobaya in lasoo gaba-gabeeyo dagaalka, beddelkii uu sii wadi lahaa cadaadiska lagu doonayo in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Tehran.
Wuxuu sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay magacaabista Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka uu dhalay Aayatulaahi Cali Khamenei oo dhawaan la dilay, inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan—tallaabo si cad u muujinaysa in xukuumadda Tehran aysan tanaasul sameyn doonin.
Farriimo is-burinaya
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Trump ayaa aaminsan in inta ay Iiraan sii waddo beegsiga dalalka gobolka, Israa’iil-na ay doonayso inay garaacdo bartilmaameedyada Iiraan, aysan u badnayn in Mareykanku uu si fudud uga baxo dagaalka. Trump ayaa ku hanjabay inuu sii wadi doono beegsiga Iiraan haddii ay sii xannibto dhaqdhaqaaqa shidaalka ee maraya Marinka Hormuz.
Dhanka kale, Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa beenisay wararka sheegaya in khilaaf uu ka dhex jiro maamulka, iyadoo tiri: “Kaaliyeyaasha ugu sarreeya madaxweynaha waxay 24/7 diiradda saarayaan xaqiijinta in Hawlgalka Epic Fury uu sii ahaado mid guul weyn gaara, soo afjaridda hawlgaladan waxaa aakhirka go’aan ka gaari doona Taliyaha Guud ee Ciidamada.”
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa bixinayay farriimo is-burinaya asbuucyadii lasoo dhaafay. Toddobaadkii hore, wuxuu dalbanayay in Iiraan ay “si shuruud la’aan ah isku dhiibto,” balse Isniintii wuxuu u sheegay wargeyska New York Post inuusan marnaba qorsheynayn inuu ciidamo dhulka ah u diro dalkaas.
Sidoo kale, wuxuu si maldahan u sheegay inuu taageeri doono in la khaarajiyo hoggaamiyaha cusub ee Khamenei haddii uu diido inuu u hoggaansamo dalabaadka Mareykanka.
Culeys dhaqaale
Qiimaha shidaalka ee gaaray in ka badan $100 halkii fuusto ayaa qaylo-dhaan xooggan ka dhex abuuray la-taliyeyaasha Trump, kuwaas oo ka walaacsan saameynta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee doorashooyinka xilliga dhexe (midterm elections) ee kusoo wajahan xisbiga Jamhuuriga.
“Marka qiimaha gaaska iyo shidaalku koco, wax kasta oo kale way la kacaan. Tani waxay keenaysaa caqabado dhab ah oo taabanaya awoodda wax iibsi ee bulshada,” ayuu yiri Stephen Moore, oo ah la-taliye sare oo dhanka dhaqaalaha ah.
Si wax looga qabto dhibaatadan, Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ka qaadi doono “cunaqabateynta la xiriirta shidaalka” dalal qaar si hoos loogu dhigo qiimaha. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in Mareykanku bixin doono caymis, Ciidamada Badda iyo xulafadooduna ay galbin doonaan maraakiibta shidaalka ee maraya Marinka Hormuz haddii baahi loo qabo.
Duqeyntii iskuulka
Dhinaca kale, Madaxweyne Trump ayaa ka laabtay eedeyn uu horay dusha uga saaray Tehran oo ku aaddanayd duqeyn gantaalka Tomahawk ah oo lagu dilay 175 qof oo caruur ah oo ku sugnaa iskuul ku yaalla Iiraan.
“Waxaa la ii sheegay inay tahay arrin baaritaan ku socdo, diyaar ayaana u ahay inaan la noolaado natiijada baaritaankaas,” ayuu yiri Isniintii. Baarayaasha milateriga Mareykanka ayaa horay u aaminsanaa in ciidamada Mareykanku ay u badan tahay inay mas’uul ka ahaayeen falkaas si shil ah, sida uu weriyay wargeyska The Wall Street Journal.
Guud ahaan, Mareykanka ayaa garaacay kumannaan bartilmaameed oo isugu jira xarumo dowladeed, saldhigyo milateri, iyo xarumaha gantaallada, si uu u curyaamiyo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iiraan.
Iiraan ayaa dhankeeda aargoosi ahaan u duqeysay saldhigyo Mareykanku leeyahay iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe, iyadoo beegsatay garoomo diyaaradeed iyo xarumo sifeeya shidaalka.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in 7 askari oo Mareykan ah la dilay 8 kalena la dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 28-kii Febraayo. Dhanka kale, Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa shaacisay in in ka badan 36,000 oo muwaadiniin Mareykan ah si nabad ah dib loogala soo laabtay gobolka.
