Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Koofi oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Koofi oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh


Muqdisho (Adduun.com) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo caawa ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo weerar  dhanka ah afka ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Koofi ayaa ugu horreyn dhaleeceeyay madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu isagu fashiliyay dhammaan wada-hadalladii labada dhinac ee horay u dhacay, kuwaas oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday kadib markii la’isku fahmi waayay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh in Golaha Mustaqbalka uu ka diidey in talo ay ku yeeshaan arrimaha dastuurka iyo hanaanka doorashada, maadaama waqtigeeda lagu soo dhawaanayao.

“Goluhu wuxuu arkaa xaaladda maanta lagu jiro iyo waqtiga dhiman inay qasab tahay qof kasta oo Soomaaliyeed waajibka saaran inuu guto, balse madaxweynuhu waa aa ka diidey in talo ku yeeshaan hanaanka doorashada, waqtigii doorashaduna waa la dhaafay.” ayuu yiri Koofi.

Waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka la ansixiyay ee ay weli diidan yihiin mucaaradka, wuxuuna ku dooday in loo maray waddo khaldan.

“Iyadoo gobollada kala maqan yihiin iyadoo khayraadka sida loo qaybsanayo aan laga heshiin ayaa la sameeyay waxa aad aragteen oo ah in dastuurkii la ansixiyay” ayuu mar kale yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono xiisaddaa, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard