Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Duqeyn culus oo lala beegsaday xero lagu tababaro xubnaha Al-Shabaab - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Duqeyn culus oo lala beegsaday xero lagu tababaro xubnaha Al-Shabaab


Xarardheere (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ay ka dhacday aagga deegaanka Dumaaye oo hoosta degmada Xarardheere ee koonfurta gobolkaasi.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday xero tababar oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi, taas oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Raagge, sida ay innnoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xilliga uu dhacayay weerarka ayaa waxaa goobta lagu diyaarinayay xubno ka tirsan Khawaarijta oo tababar u socday, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xerada uu soo gaaray burbur xooggan, isla markaana ay si weyn u saameysay duqeynta lala helay.

Xeradan ayaa horay u ahayd goob Diimeed, waxaana dadka deegaanka ay yaqaaneen Mowlaca Sheekh Maxamed Raage, waxaase si xoog ah kula wareegtay kooxda Al-Shabaab oo u beddashay goob ay ku tababaraan dagaalyahannadooda.

Waa markii labaad ee la duqeynayo xeradan, waxaana horay sidaan oo kale loo weeraray dabayaaqadii 2023-kii, kadib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in war rasmi ay kasoo saarto weerarkan cusub, soona bandhigto khasaaraha guud ee gaaray Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo laga soo hooyay guullo wax ku ool ah, maadaaama ciidamadu ay dib ula wareegeen deegaano muhiim ah oo laga saaray kooxda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard