Hargeysa (Adduun.com) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu furtay dacwad caalami ah oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta maamulka hawada.
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux ayaa xaqiijiyay in Somaliland ay dacwadan u gudbisay hay’adda hawada ee Qaramada Midoobay.
Ujeedka dacwadan ayuu ku sheegay “sidii ay kula wareegi laheyd maamulka hawadeeda, ayna uga gudbi laheyd nidaamka e-Visa ee Dowladda Soomaaliya ku waajibisay dadka usoo safraya dalka.
“Soomaaliya ayaannu dacweynaynaa, waayo waxay sheeganaysaa in ay hawada Somaliland maamusho, mana maamusho, mana joogto, amarkeeduna kama shaqeeyo,” ayuu yiri Wasiir Fu’aan oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka MMTV.
Waxa uu intaas kusii daray “Marka sharciyada ay sheeganayso (Dowladda Federaalka) ee ay leedahay annaga ayaa hawada maamula, ayaannu caddaynay in aanay maamulin.”
Wasiirka ayaa ku dooday in maamulka hawadu u baahan yahay awood iyo adeegyo gaar ah, sida in diyaaradaha loo oggolaado degis degdeg ah haddii xaalad degdeg ahi timaaddo, in si toos ah loo maamulo garoomada Hargeysa & Berbera iyo in gurmad loo fidiyo diyaaradaha shil ku gala hawadaas. Arrimahan ayuu sheegay in aanay Soomaaliya ka hirgelin karin Somaliland.
“Somaliland waxay go’aansatay intii ay Soomaaliya la hadli laheyd inay marka hore ictiraaf raadsato. Sidaas daeteedna markii Israa’iil aqoonsatay, codsaneyna in hawada Somaliland lagu dhaqo xeerka waddamada qayb ahaan aqoonsiga haysta sida Kosovo iyo Taiwan, kuwaas oo loo oggolaaday in ay hawadooda maamulaan.”
Wasiirka ayaa sheegay in dacwadda ay gudbiyeen ay marayso marxalad wanaagsan, isaga oo muujiyay rajo ah in Somaliland loo oggolaado in ay si madax-bannaan u maamusho hawadeeda. Wuxuu xusay in geeddi-socodkani uu qaadan karo wakhti, balse tallaabooyinka ugu horreeya hore loo qaaday.
Dhanka kale, wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in nidaamka dal-ku-galka danabaysan (e-Visa) ay u adeegsanayso sidii ay dhaqaale uga heli lahayd iyo cadaadis loogu saari lahaa bulshada Somaliland, ee iyagu ka tashaday aayahooga, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hirgelinta nidaamka e-Visa ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo la socodka dadka soo galaya dalka, taas oo ay ku tilmaantay mid sare u qaadaysa amniga iyo awoodda maamul ee dowladda.
