Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Amiirka Qatar oo digniin culus siisay Trump kadib markii… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Amiirka Qatar oo digniin culus siisay Trump kadib markii…


Doha (Adduun.com) — Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in xiisadda milateri ee haatan oogan ee u dhexaysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ay yeelan karto cawaaqib-xumo aad u weyn oo saameysa caalamka oo dhan.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Qatar (QNA), digniintan ayaa timid xilli labada hoggaamiye ay khadka taleefanka ku wada hadleen maalintii Sabtida. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyay ee colaadda iyo dadaallada lagu xakameynayo xiisadda gobolka ee sii fidaysa.

Wadahadalkan xasaasiga ah ayaa dhacay xilli ay weli socdaan weeraro ay Iiraan ku bartilmaameedsanayso dalka Qatar iyo dalal kale oo gobolka ku yaalla, iyadoo xiisaddu ay cirka isku shareertay ka dib markii uu qarxay dagaalka tooska ah ee u dhexeeya Tehran, Washington iyo Tel Aviv.

Intii uu socday wadahadalka taleefanka, Sheekh Tamiim ayaa carabka ku adkeeyay in is-mari-waagan milateri uu saameyn taban ku yeelan karo nabadda iyo amniga caalamiga ah, isagoo ku baaqay in si degdeg ah dib loo soo nooleeyo dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago in xaaladdu ay intan kasii darto.

Sidoo kale, waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhibaatadan lagu xakameeyo waddooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed. Hase yeeshee, Amiirka ayaa dhanka kale si cad u sheegay in xukuumadda Doxa ay si buuxda u difaaci doonto madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo danaha qarankeeda haddii loo baahdo.

Wakaaladda wararka ee QNA ayaa xustay in hoggaamiyeyaasha Doxa iyo Washington ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la taageero xal siyaasadeed si wax looga qabto xiisadaha is-biirsaday ee haatan taagan.

Dalka Qatar ayaa martigeliya saldhigga milateri ee ugu weyn ee ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin guud ahaan Bariga Dhexe.

Joogitaankaas milateri ayaa sababay in dalkaas dhowaanahan lala beegsado gantaallo aargoosi ah oo uga imanayay dhanka Iiraan, xilli uu gobolku marayo marxaladdii ugu adkayd ee iska-hor-imaadyada hubeysan ee sannadihii u dambeeyay.

Weeraradan ayaa inta badan loo adeegsadaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta ah ee Iiraan, sida nooca Shahed, kuwaas oo qiimahoodu uu aad uga jaban yahay gantaallada ay nidaamyada casriga ah ee Mareykanka loogu talagalay inay iska difaacaan. Iiraan ayaa maalmihii u dambeeyay riday gantaallo ka yar kuwii hore. 

Mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa ayaa ku dhacday nidaam raadaar oo casri ah oo bixiya digniinaha xilliga hore, kaas oo ku yaalla saldhigga Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah saldhigga ugu weyn ee milateriga Mareykanku ku leeyahay gobolka. Weerarka ayaa dhaawacay raadaarka AN/FPS-132, wuxuuna hakiyay awooddiisii shaqo, sida ay muujinayaan sawirrada satalaytka iyo sarkaal Mareykan ah.

Raadaarka AN/FPS-132 ayaa ah mid awood weyn leh oo loogu talagalay inuu hal mar la socdo bartilmaameedyo badan.

Sawirro satalayt ah oo ay qaadday shirkadda Planet Labs ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta raadaarka ee Qatar.

Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybta waqooyi-bari ee dhismaha raadaarka qaabka qubbada ah ee u jeeda dhanka Iiraan, iyo sidoo kale biyo qulqulaya oo u badan in lagu daminayay dab goobta ka kacay, sida uu sheegay Sam Lair, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta James Martin ee Daraasaadka Hubka.

“Waxay muujineysaa jilicsanaanta qaar ka mid ah raadaarradan heerka sare ah,” ayuu yiri Lair oo lafagur ku sameeyay sawirka satalaytka.

Dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka ay ku hayaan Iiraan ayaa maanta galay maalintiisii 10-aad.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard