Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Go’aankii DF ee safarada gudaha oo maanta ka dhaqan-galay garoonka Muqdisho - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Go’aankii DF ee safarada gudaha oo maanta ka dhaqan-galay garoonka Muqdisho


Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta kaarka aqoonsiga qaranka ee socdaalka gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa lagu xoojinaya nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka.

Agaasimaha guud ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan kaga dhageystay madaxda waaxda xuduudaha, taas oo la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta u safraya gudaha dalka.

Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee u safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adeegay kaarka aqoonsiga qaranka, iyada oo nidaamka loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah.

Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta nidaamka socdaalka gudaha, xoojinta amniga xuduudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayey dowladdu dooneysa in lagu xiro adeegyo badan oo dowli ah, iyadoo dhawaan ay hay’adda socdaalka dhaqan-gelisay in qof kasta oo sameysanaya baasaboor uu sito kaarka NIRA, taas oo waajib ka dhigaysa qaadashada kaarkan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard