Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo isku mowqif ka noqday xaaladda… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo isku mowqif ka noqday xaaladda…


Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa markii u horreysay mowqif isku mid ah ka qaatay xaaladda ka soo korortay Iiraan iyo dagaalka ku sii fidaya Bariga Dhexe.

Labada dhinac oo soo saaray war-saxaafadeedyo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan xaaladdan, ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka Carabta, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradan oo geystay burbur iyo khasaare bani’aadamnimo ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbay madax-bannaanida iyo xurmada dalalkaasi.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso dalalka Khaliijka ee la weeraray, iyadoo ku dhiirrigelisay inay qaadaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid sharciga waafaqsan oo lagu difaacayo amniga, laguna ilaalinayo dadkooda iyo dhulkooda.

“Soomaaliya waxay caddeyneysaa sida ay uga xun tahay dhibaatada ka taagan gobolka, waxayna garab taagan tahay waddamada ay saameeyeen falalkaas hubeysan, iyadoo ugu horreyn xustay taageerada buuxda ee ay siinayso Sucuudi Carabiya, Kuweyt, Urdun, Qadar iyo Saldanadda Cumaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland ayaa lagu yiri: “Xukuumadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iiraan ku bartilmaameedsatay Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuweyt, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudiga iyo Boqortooyada Haashim ee Urdun.”

Somaliland ayaa si buuxda u garab istaagtay dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo si adag u diiday wax ay ugu yeertay “gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka,” sida lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo muddo badan ay iska hor iman jireen aragtiyadahooda arrimaha dibadda ayaa haatan u muuqda in arrinta Iiraan ay isku dhinac ka istaageen, xilli maamulka Hargeysa uu dhawaan xiriir la bilaabay Israa’iil, oo iyaduna door weyn ku leh dagaalka Iiraan.

Si kastaba, Iiraan ayaa hadda wajaheysa xaalad adag, iyadoo la dilay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Ayatullaahi Cali Khamenei, oo ku dhintay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard