Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ayatollah Ali Khamenei oo la shaaciyey in la dilay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ayatollah Ali Khamenei oo la shaaciyey in la dilay


Tehran (Adduun.com) — Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay hayaan xog iyo caddeyn muujinaysa in Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Aayatulaahi Cali Khamenei, lagu dilay duqeymo culus oo wadajir ah oo ay maanta fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa’iil.

Sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal Israa’iili ah, waxaa la rumeysan yahay in la helay meydka Khamenei, warkan oo laga soo xigtay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa fariin maqal iyo muuqaal ah oo uu goor dambe oo Sabti ah baahiyay ku sheegay in ay jiraan calaamado badan oo iftiiminaya in Khamenei “uusan mar dambe jirin.”

Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa Sabtidii xaqiijiyay in hoggaamiyaha la khaarajiyay, meydkiisana la arkay kadib duqeymaha wadajirka ah ee Washington iyo Tel Aviv.

Hase yeeshee, dowladda Iiraan ayaa beenisay warkaas. Madaxa xiriirka dadweynaha ee xafiiska Hoggaamiyaha Iiraan ayaa warkan ku sifeeyay mid lagu marin-habaabinayo shacabka, isagoo ku eedeeyay cadowga dalkaas inay wadaan “dagaal maskaxeed” ama mid nafsi ah.

Mas’uulkan oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa shacabka Iiraan ugu baaqay inay feejignaadaan oo aysan dheg jalaq u siin dacaayadaha la baahinayo.

Duqeymahan oo ahaa kuwo si weyn loo qorsheeyay ayaa bartilmaameedsaday madaxda ugu sarreysa xukuumadda Tehran, arrintaas oo gobolka Bariga Dhexe gelisay weji cusub oo dagaal. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa isna sheegay in weeraradani ay soo afjarayaan khatartii amni ee ku wajahnayd dalkiisa, ayna fursad dahabi ah u siinayaan shacabka Iiraan inay ridaan maamulka talada haya.

Cali Khamenei oo 86-jir ah, ayaa awoodda ugu sarreysa ee dalkaas la wareegay sanadkii 1989-kii kadib geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Aayatulaahi Ruuxulaahi Khumeyni.

Wuxuu ahaa awoodda kaliya ee go’aamisa jiheynta hay’adaha siyaasadeed, milateri, iyo kuwa diimeed ee dalka, isagoo si buuxda u qaabeeya siyaasadda arrimaha gudaha iyo xiriirka arrimaha dibadda.

Wuxuu sii waday nidaamkii adkaa ee ka horreeyay, isagoo meesha ka saaray madaxweyneyaal la doortay oo isku dayay inay dalka u horseedan is-furfurnaan, wuxuuna si gacan-bidaar leh u cabburiyay dibadbaxyo is-daba-joog ah iyo dhaqdhaqaaqyadii wax-ka-beddel-doonka ahaa ee diidanaa isku-dhaca reer Galbeedka.

Xiisadda labada dal ayaa gaartay heerkii ugu halista badnaa bishii Juun ee sanadkii 2025, markaas oo uu dhexmaray dagaal xagga cirka ah oo qaatay 12 maalmood. Dagaalkaas, Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku hanjabay in la khaarajin doono Khamenei, isagoo xusay in hoggaamiyaha “uusan sii jiri karin.”

Dagaalkaas 2025-kii dhacay, Israa’iil waxay weeraro lama filaan ah ku bur-burisay xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee dhulka hoostiisa ah, halkaas oo lagu dilay saynisyahano iyo saraakiil sarsare oo milateri. Geerida Khamenei, haddii ay dhab noqoto, waxay dharbaaxo weyn ku tahay dal markii horeba la daalaa-dhacayay culeysyo dhaqaale iyo saameynta dagaallada.

Intii uu xilka hayay, Iiraan waxay isku beddeshay awood goboleed si weyn uga soo horjeedda Mareykanka, iyadoo saameynteeda ku fidisay Bariga Dhexe oo dhan. Wuxuu taageeray heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lala galay quwadaha caalamka xilligii Madaxweyne Xasan Ruuxaani, kaas oo muddo kooban khafiifiyay go’doonkii Iiraan. Balse xiisadda ayaa mar kale cirka isku shareertay markii Madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiskaas sanadkii 2018-kii, dibna u soo rogay cunaqabateyno adag.

Laga soo bilaabo weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, xulafada Iiraan ee gobolka ayaa wajabayay dhabar-jab is-xigxiga. Xamaas iyo Xisbullah ayaa la kulmay duqeymo ba’an oo wiiqay awooddooda, halka Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, oo Tehran ay muddo dheer garab taagnayd, xukunka laga riday bishii Diseembar ee sanadkii 2024.

Xilka Hoggaamiyaha Sare oo la abuuray wixii ka dambeeyay kacaankii 1979-kii ayaa dastuuri ahaan awood sharciyeed oo buuxda siinaya wadaadka ugu sarreeya, isagoo ka awood badan madaxweynaha iyo baarlamaankaba.

Sida uu qabo nidaamka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 wadaad oo ay soo xuleen guddiyo adag oo daacad u ah Khamenei ayaa leh awoodda rasmiga ah ee lagu doorto hoggaamiyaha beddelaya marka uu bannaanaado xilka ugu sarreeya dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard