Tehraan (Adduun.com) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ayaa ka dhalatay dagaalka maanta ka qarxay bariga dhexe, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay gantaallo ku weerareen caasimada Tehraan ee dalka Iiraan.
Dagaalka ayaa ku fiday dhammaan dalalka gobolka, kadib markii ay jawaab deg-deg ah bixisay Iiraan oo beegsatay saldhigyada Mareykanka ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan waddamada Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar iyo Baxreyn, halkaas oo laga maqlay qaraxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in ay xaq u leeyihiin ka jawaabida weerarrada ay dhulkooda ka geysatay Iiraan, isla markaana ay is difaacayaan.
“Xaq ayaan u leeenahay in aan is difaacno, waxaan diidanahay weerar kasta oo nagula soo qaado” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sacuudiga ayaa dhankiisa si adag u cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaaday dalkaasi, isaga oo luqad adag ku yiri “Marna ma ogolin in lagu xadgudbo madaxbanaanida dalkeenna”.
Qatar ayaa iyadana ku jawaabtay “Weerarka Iiraan nagu soo qaaday wuxuu dhaawacayaa madaxbanaanida dalkeenna, waana wax laga xumaado”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa dhinaceeda xadgudub bareer a ku tilmaamtay gantaallada Iiraan ee ku dhacay gudaha dalkaas, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday xarumaha Mareykanka ee ku yaalla waddankaasi.
“Iiraan waxaa ay weerar kusoo qaaday dhulkeenna, waana xadgudub bareer ah oo kahor imaanaya sharciga caalamiga ah” ayay tiri Kuwait.
Si kastaba ha’ahaatee, xaaladda ayaa weli qasan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka oo kusii fidayo dhammaan waddamada ku yaalla bariga dhexe.
