London (Adduun.com) — Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in cayaaryahanka khadka dhexe ee Soomaali-Ingiriiska ah, Maalik Xaashi, uu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed (professional contract), tallaabo guul weyn iyo horumar taariikhi ah u ah xiddigan da’da yar oo 17-jir ah.
Maalik, oo kasoo dhex baxay kulliyadda ciyaartoyda da’yarta ee Arsenal (Academy), ayaa dhigay taariikh cusub. Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ku biira nidaamka da’yarta ee kooxdan ka dhisan waqooyiga London, isla markaana qalinka ku duuga heshiis xirfadeed oo rasmi ah.
Laacibkan oo ku dhashay dalka Ingiriiska, waalidiintiisuna ay yihiin Soomaali, ayaa soo bandhigay ciyaar-wanaag layaab leh xilli-ciyaareedkan.
Maalik ayaa inta badan ka ciyaara khadka dhexe (6), isagoo qabta shaqo ay tababareyaashu ku tilmaamaan “burburiye” (destroyer) – taas oo ah in uu fashiliyo weerarada kooxda kasoo horjeeda, isku xiro difaaca iyo khadka dhexe, uu maamulo xawaaraha ciyaarta (tempo), isla markaana uu bilaabo weerar rogaal celin ah.
Dareenkiisa iyo doorka qoyska
Isagoo la hadlayay warbaahinta xarunta tababarka ee Arsenal, Maalik Xaashi ayaa guushan ku tilmaamay mid uu la wadaago qoyskiisa.
“Runtii aad baan u faraxsanahay, waa daqiiqad aniga iyo qoyskaygaba aan ku faani karno,” ayuu yiri Maalik. “Kaliya aniga ma ihi qofka ku jira safarkan. Qoyskayga ayaa ila socda, kuwaas oo maalin kasta iga caawiya inaan horumar sameeyo. Malaha waxaan kasoo bilaabay beerta gurigeena anigoo aabbahay la ciyaaraya, kadibna waxaan waddada usoo jeexay dhanka Arsenal.”
Wuxuu intaas raaciyay: “Halkaas markaan imid, waxaan soo qaatay laba sano oo aan la joogay kooxda ka yar 16-jirrada (U16s), kadibna waxaan helay deeqdeyda waxbarasho iyo isboorti (scholarship), haddana halkaan ayaan joognaa.”
Sida uu qabo sharciga kubadda cagta Ingiriiska, ciyaartoyda kulliyadaha ayaa xaq u leh inay heshiis xirfadeed saxiixaan marka ay gaaraan da’da 17-jirka, kaas oo inta badan gaara ilaa saddex sano.
Inkastoo Arsenal aysan si furan u shaacin muddada heshiiskan, haddana heshiisyada ceynkan ah ayaa inta badan socda ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka socda iyo laba sano oo dheeraad ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in Maalik uu kooxda sii joogi karo ilaa sanadka 2028-ka.
Xilli-ciyaareedkan ayaa muujiyay horumar cad oo uu sameeyay laacibkan da’da yar:
- Wuxuu saftay 19 kulan isagoo u ciyaaraya kooxaha kala duwan ee da’yarta Arsenal, gaar ahaan kooxda ka yar 18-jirrada (U18s).
- Wuxuu 2 jeer u saftay kooxda 19-jirrada ee tartanka qaaradda Yurub ee UEFA Youth League.
- Wuxuu 1 kulan u ciyaaray kooxda 21-jirrada ee horyaalka Premier League 2.
Marka dib loo eego, Maalik ayaa xilli-ciyaareedkii hore saftay kaliya 7 kulan oo isku darka kooxaha U18s iyo U21s ah. Sidaas darteed, xilli-ciyaareedkan ayaa u ah sanadkiisii iftiinka ee uu kasoo dhex-baxay da’yarta kale, iyadoo heshiiskan xirfadeed ee uu saxiixay uu markhaati u yahay horumarka weyn ee uu sameeyay.

