Galdogob (Adduun.com) — Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo gacan ka helaya bulshada degmada Galdogob ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah nin maalin kahor gudaha magaaladaas ku dilay qof safar ahaa, isla markaana dhaawacay dad kale.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu u baxsaday dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee waxaa daba tagay ciidamada ammaanka.
Taliyaha qaybta Booliska Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, ayaa sheegay in ninka la toogtay kaddib markii uu ka biyo diiday inuu isa soo dhiibo.
Maydka ninkan ayaa dib loogu soo celiyay Galdogob, gaar ahaan goobtii uu falka ka geystay oo uu ku dilay darawal safar ahaa kuna dhaawacay laba qof oo kale. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay si ay u arkaan maydkiisa.
Howlgalka lagu beegsaday ninkan waxaa oggolaaday odayaasha dhaqanka beeshiisa, kuwaas oo amar ku bixiyay in la keeno isaga oo nool ama meyd ah.
Dadka ku nool Galdogob iyo guud ahaan gobolka Mudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka, iyaga oo u arka mid wax ka tari kara falalka dilalka ah ee kusoo noqnoqday gobolka.
Si kastaba, dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ugub ah, oo haddii dhaqan la jideeyo noqoto yareyn karta falalka dilalka ah iyo dambiyada culus ee kusoo noq-noqday gobolka, iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida.
