Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Faah-faahinta dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Faah-faahinta dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan


Islamabad (Adduun.com) – Diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ayaa duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Afghanistan, iyaga oo bambooyin ku garaacay qaybo ka mid ah magaalooyinka Kabul, Kandahar iyo Paktia, xilli uu dagaal militari oo toos ah ka dhex qarxay labada dal.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in hawlgalladeeda cirka iyo kuwa dhulka ay ku beegsanayeen saldhigyo xuduudeed oo ay leeyihiin Taalibaan, xarumo militari iyo bakhaarro lagu keydiyo rasaasta, kuwaas oo ay ku tilmaantay meelaha laga soo abaabulo weerarro ka dhan ah amnigeeda.

Dhankeeda, Taalibaan ayaa hore u sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen saldhigyo xuduudeed oo ku yaalla gudaha Pakistan, taasoo muujinaysa kororka xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taalibaan ayaa sheegay in ugu yaraan 10 askari oo Pakistani ah lagu dilay iska horimaadyada ka dhacay xadka, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin tiradaas.

Sidoo kale, Pakistan ayaa ku andacootay inay dishay in ka badan 70 dagaalyahan oo Afghan ah intii ay socdeen duqeymaha iyo dagaallada dhulka, iyadoo sheegtay inay burburisay xarumo istaraatiiji ah.

Pakistan ayaa marar badan ku eedeysay Taalibaan-ta Afghanistan inay hoy siiso dagaalyahanno ka soo tallaaba xadka kuwaas oo weerarro ka fuliya gudaha Pakistan, kana beegsada askarta iyo rayidka.

Hase yeeshee, Taalibaan ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku adkeysatay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda looga adeegsado falal ka dhan ah dal kale.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taalibaan ayaa iyaduna sheegtay inay qabsatay 19 saldhig oo militari oo ay Pakistan leedahay iyo laba xarumood oo kale habeenimadii xalay, isla markaana ay dileen 55 askari oo Pakistani ah, inkastoo ay adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo dhammaan sheegashooyinka khasaare ee labada dhinac.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard