Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Midowga Yurub oo kasoo jawaabtay baaqii DF, kuna yaboohday €63 milyan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Midowga Yurub oo kasoo jawaabtay baaqii DF, kuna yaboohday €63 milyan


Nairobi (Adduun.com) – Midowga Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay inuu €63 milyan ugu deeqay Soomaaliya, oo wajahaysa xaalad adag oo abaareed.

Deeqdan ayaa loogu talagalay gargaarka bani’aadamnimo, si loo taageero bulshooyinka ugu nugul ee ku kala nool Soomaaliya, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, ayna sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.

“Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €63 milyan oo gargaar bani’aadamnimo ah si loo taageero bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha socda iyo barakaca ka jira Soomaaliya, iyo sidoo kale abaarta sii xumaanaysa iyo kororka sicirka cuntada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Gargaarkan waxaa fulin doona hay’adaha bani’aadamnimo ee la-hawlgalayaasha la aamini karo ee Midowga Yurub, kuwaas oo ka hawlgala gudaha dalka, si loo hubiyo in gargaarku si degdeg ah, loo dhan yahay, una noqdo mid wax-ku-ool ah oo gaara dadka sida aadka ah u saameysan.

“Maalgelinta Midowga Yurub waxay mudnaan siin doontaa adeegyo isku dhafan oo badbaadinaya nolosha, gaar ahaan kuwa la xiriira caafimaadka iyo nafaqada, oo ay ku jirto daaweynta nafaqo-darrada daran, kaalmo lacageed oo degdeg ah, biyo iyo nadaafad, ilaalin iyo waxbarasho degdeg ah.”

Ku dhawaaqistan ayaa imanaysa xilli macluul iyo cunto-yari ka dhalatay abaarta ay si xowli ah uga sii darayaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo 6.5 milyan oo qof (qiyaastii saddexdii qofba mid) ay wajahayaan gaajo, halka lagu qiyaasay 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an.

Si loo xoojiyo isku-dubbaridka gurmadka degdegga ah ee ka dhanka ah dhibaatada cuntada ee sii kordhaysa, Midowga Yurub ayaa muujiyay ka go’naantiisa ku aaddan bixinta gurmad degdeg ah oo la gaarsiiyo dadka ugu nugul ee ku sugan Soomaaliya.

Xilli barnaamijyada bani’aadamnimo ay si weyn u saameeyeen dhimista gargaarka caalamiga ah, Midowga Yurub ayaa weli adkaynaya doorkiisa ku aaddan taageerada dadka tabaaleysan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard