Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xafiiska Erdogan oo faah-faahiyey mashruuc weyn oo ay ka fulinayaan Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xafiiska Erdogan oo faah-faahiyey mashruuc weyn oo ay ka fulinayaan Soomaaliya


Ankara (Adduun.com) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in qorshaha dhismaha saldhigga gantaallada iyo dayax-gacmeedyada (Spaceport) ee laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya uu waddada u xaari doono iskaashi hor leh oo dhanka amniga, warshadaha gaashaandhigga iyo wadaaga teknoolajiyadda ah oo dhexmara labada dal.

Burhanettin Duran, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Turkiga, ayaa Arbacadii mashruucan ku tilmaamay mid kamid ah iskaashiyada ugu waaweyn ee Ankara ay la leedahay Muqdisho.

“Waxaan aaminsanahay in mashruucan xiisaha leh uusan kaliya kor u qaadi doonin maqaamka caalamiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale abuuri doono fursado cusub oo dhinacyo badan ah,” ayuu yiri Duran oo ka hadlayay madal looga doodayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Dhismaha xaruntan oo laga sameynayo xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu bilowday sannadkii hore, kadib markii la dhameystiray daraasaadka suurta-galnimada.

Dhulkan oo lagu qiyaasay qiyaastii 900 oo kiiloo-mitir oo isku-wareeg ah, ayaa lagu bixiyay heshiis iskaashi oo labada dal dhexmaray sannadkii 2024.

Khubarada ayaa sheegaya in sababta Soomaaliya loo xushay ay tahay u-dhawaanshaha xariiqda dhexe ee dhul-baraha (Equator), taasi oo si weyn u yareynaysa kharashka shidaalka ee gantaallada hawada loo diro, isla markaana kordhinaysa awoodda xamuul ee dayax-gacmeedyada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah barnaamijka qaran ee hawada sare ee Turkiga (National Space Program), kaas oo Ankara ay ku doonayso inay ku yeelato awood ay dayax-gacmeedyada iyo gantaallada maxalliga ah ku tijaabiso, si ay u yarayso ku-tiirsanaanta shisheeyaha ee dhanka gaashaandhigga.

Hadalka kasoo yeeray Madaxtooyada Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli Ankara ay ballaarineyso raadkeeda Soomaaliya. Dalku waxa uu horey u martigeliyay saldhigga milateri ee ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda (Turksom), kaas oo ah udub-dhexaadka istaraatiijiyadda milatari ee Turkiga ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, horaantii bishan, Ankara ayaa soo dirtay markabkeedii ugu horreeyay ee qodista shidaalka, kadib markii la dhameystiray sahan dhanka badda ah. Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa bishii Diseembar rajo ka muujiyay saddex xirmo (blocks) oo shidaal laga baarayo xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo midkiiba lagu qiyaasay 5,000 oo kiiloo-mitir oo isku-wareeg ah.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray loolanka Geeska Afrika, kadib markii Israa’iil ay bishii Diseembar aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

“Si cad oo aan gabasho lahayn ayaan uga soo horjeednaa tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland,” ayuu yiri Duran.

Turkiga ayaa aaminsan in tallaabada Israa’iil ay tahay mid lagu carqaladeynayo xasiloonida Soomaaliya, isla markaana khatar ku ah danaha Ankara ee gobolka. Bishii hore ayay ahayd markii Turkiga uu si rasmi ah u aqoonsaday in “midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ay tahay mudnaan amniga qaran ah.

Xiisaddan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dalalka kale ee danaha ka leh gobolka. 

Imaaraadka Carabta, Inkastoo ay xiriir ganacsi iyo mid dekedo la leeyihiin Somaliland, haddana Abu Dhabi si rasmi ah uma aqoonsan gooni-u-goosadka, inkasta oo laga filayey, halka Qatar ay si dhow ula safan tahay Turkiga iyo Dowladda Federaalka, iyadoo taageerta ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale, Shiinaha wuxuu si adag u taageeray madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo ka duulaya siyaasaddiisa guud ee ka dhanka ah gooni-u-goosadka, halka maamulka Trump ee Mareykanka uu sheegay in aanu qorsheyneynin inuu raaco tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard