Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Turkiga oo beeniyay inuu Soomaaliya keenay nidaamka difaaca hawada ee Ruushka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Turkiga oo beeniyay inuu Soomaaliya keenay nidaamka difaaca hawada ee Ruushka


Ankara (Adduun.com) – Dowladda Turkiga ayaa beenisay in nidaamka difaaca hawada ee S-400 la keenay gudaha Soomaaliya, xilli muddooyinkii dambe ay si weyn u faafeen warar sheegayay in nidaam difaac uu keenay dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu sheegay in nidaamkan casriga ah uu kaliya yaallo gudaha xuduudaha dalka Turkiga, isla markaana aan loo gudbin dal kale.

“Nidaamka S-400 wuxuu si buuxda gacanta ugu jiraa dowladda Turkiga, waxaana kaliya loo adeegsan doonaa hawl-gallada difaaca ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay: “Ma jiro wax qorshe ah oo nidaamka difaaca hawada ee S-400 loogu geynayo dibadda.”

Nidaamkan oo uu farsameeyay Ruushka ayaa ah nidaam casri ah oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan dunida, looguna talagalay difaaca hawada iyo ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha cadowga.

Marka laga yimaado beeninta Turkiga ee arrintaan, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu si habsami leh u socdo.

Ankara oo sannadihii u dambeeyay si weyn u ballaarisay xiriirka amni iyo difaac ee la leedahay Soomaaliya ayaa maalmihii dambe magaalada Muqdisho geynaysay saanad milatari oo xooggan.

Si kastaba, iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard