Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan shir xasaasi ah Xarunta Madaxtooyada kula leh koox siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cabdiqaadir Cosoble, iyo Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur oo dhammaantood ah musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha, kana sooo jeeda Hawiye.
Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka, maadaama ay ka heshiin waayeen dowladda iyo mucaaradka.
Sidoo kale, dhinacyada ayaa is-dhaafsanaya aragtiyo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa hannaanka iyo waqtiga doorashada, iyadoo la raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ay gaaraan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Sida ay ogaatay Adduun.com, saddexda musharrax oo isku beel yihiin madaxweynaha ayaa si hoose ‘ugu caqli celinaya, waxayna siinayaan talooyin ku aadan xaaladda dalka, maadaama ay yihiin gacan qabashadiisa.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya, xilli ay todobaadkan ay fashilmeen wada-hadalladii u socday Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, ee a xiriiray geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka kadib doodo hareeyay shirka.
Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.
Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.
