Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa haatan kulamo xasaasi ah ka wada Adduun, kuwaas oo uu la qaadayo xubno kamid ah beesha caalamka.
Saciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo booqasho ugu tegay hoteelka uu ka dagan yahay xeyndaabka xerada Xalane.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.
Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo Arbacadii dhex-maray Deni iyo Farmaajo, kaas oo yimid kadib markii madaxweynaha Puntland uu booqasho ku tegay hoyga madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya ka dagan yahay magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa kulankooda wuxuu ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
Waxaa kaloo oo ay boggaadiyeen dadaallada socda ee ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni oo ka dhaca caasimada.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.
