Muqdisho (Adduun.com) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci-darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in baaritaan iyo hubin ay sameeyeen saraakiisheeda lagu xaqiijiyay in gabadhan oo laga soo tahriibinayay magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad ku lug leh falal tahriibin.
Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay inay isku dayeen in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar si ay dalka uga saaraan.
Hay’adda ayaa tilmaamtay in kiiska si waafaqsan habraacyada sharciyeed loogu wareejiyay Laanta Baarista Dembiyada (CID), si loo sii amba-qaado baaritaanka isla markaana loo qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.
Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay mar kale uga digtay bulshada Soomaaliyeed khatarta tahriibinta iyo halista ay ku hayaan shabakadaha dadka tahriibiya, iyadoo adkaysay in la sii xoojin doono dadaallada lagu ciribtirayo kooxahaas.
Hay’addu waxay sidoo kale adkaysay in badbaadinta iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay waajib qaran oo mudnaan gaar ah leh.
Si kastaba, hay’adda socdaalka ayaa mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, iyadoo xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas.

