Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne CIRRO oo maanta amar ku bixiyey sii deynta 713 maxbuus - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne CIRRO oo maanta amar ku bixiyey sii deynta 713 maxbuus


Hargeysa (Adduun.com) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo cafis guud loogu fidinayo maxaabiis ku xiran xabsiyada Somaliland, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay 713 qof ayaa ku xukuman dembiyo fudud. Maxaabiistan ayaa si degdeg ah loo sii deyn doonaa, kadib wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Wareegtadan ayuu madaxweynuhu soo saaray kadib markii uu tixgeliyey soo-jeedin talo-bixin cafis ah oo ka timid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, summaddiisuna tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen maxaabiistu, sida lagu caddeeyey wareegtada.

Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa sanad walba xilligan oo kale cafis u fidiya boqolaal maxaabiis ah oo ku xidhnaa xabsiyada Somaliland.

Hoos ka aqriso waregtada

Wareegto Madaxweyne

Cafis;

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026.

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;

Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 𝟕𝟏𝟑 (𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐨𝐛𝐚𝐧) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡
______________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard