Muqdisho (Adduun.com) – Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyaga oo soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka, gaar ahaan ganacsatada.
Wasiirka ganacsadaha iyo warshadaha Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa u digay ganacsatada, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan la macaamilka Khawaarijta, sidoo kalena aysan siin lacago baad ah.
“Nasiib darro waxaa jira shaqsiyaad kamid ah ganacsatada oo u nugul diyaarna la ah baada ay soo waydiiyaan nimanka Khawaarijta, waxaan uga digeynaa ganacsatadaas inay iska ilaaliyaan in aanay bixin wax habayaraatee loogu yeeray Zako” ayuu yiri wasiirka ganacsadaha iyo warshadaha.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciddii lagu arkaa la macaamilka Al-Shabaab, una dirto lacago lagala laaban doono Shatiga, dowladduna ay la xisaatameyso.
“Waxaan mar kale xasuusineynaa ganacsatada in ay iska ilaaliyaan la-macaamilka iyo xiriirka nimanka Khawaarijta ah, yayna ku waayin Shatiyadooda kuna kasban ciqaab dowladeed” ayuu mar kale yiri Jamaal.
Dhankiisa wasiirka amniga gudaha Cabdulllahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goobta ka hadlay ayaa isna sheegay in ganacstada jabisa amarka dowladda ee u hoggaansata Khawaarijta laga horgeyn doono cadaaladda, si loola xisaabtamo.
Fartaag aya sidoo kale amar siiyay ciidamada amniga, wuxuuna faray inay soo qabtaan dadka la shaqeeya ama weli la macaamilaya kooxda Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliyeed qaybaheeda amniga waxaa waajib ku ah shaqsigii ama ganacsadihii lagu helo inuu weli bixinayo oo uusan ka tanasulin inuu u geeyo nimanka iyaga ah ee Khawaarijta waxa ay ugu magac dareen Zakawaadka ee baadda ah wuxuu marin doonaa ciqaabtii uu muteystay oo qolyaha cadaaladda ay ku qaadi lahaayeen” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha.
Waxaa kale oo uu wasiir Fartaag intaasi sii raaciyay “Laamaha amniga waxaan farayaa oo aan ku amreynaa inay tallaabo sharci ah ka qaadaan oo ay soo qabtaan dadka sida hoose ula macaamilayo Khawaarijta”.
