Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support NISA oo bilowday arrin ay si weyn ugu farxeen shacabka Muqdisho - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

NISA oo bilowday arrin ay si weyn ugu farxeen shacabka Muqdisho


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidamada Ammaanka ee NISA ayaa haatan gudaha magaalada Muqdisho ka bilaabay howl culus oo ay si weyn ugu farxeen shacabka caasimada, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha iyo ciidamada NISA ayaa waddooyinka waa wayn ka bilaabay inay ku afuriyaan shacabka Sooman, ee saaran gaadiidka iyo mootooyinka, taas oo si weyn loogu bogaadiyay Taliska guud ee hay’adda.

Ciidanka ayaa dadka u qaybinaya Timir iyo Biyo ay ku afuraan, waxaana fursaddaas ka faa’iideystay shacabka maraya waddooyinka iyo darawaallada gaadiidka.

Sidoo kale, waxay ciidamadu wadaan howlgal amni xaqiijin ah ah, taas oo ka dhigan in gacan ku sugayaan amniga, gacan kalena ay ku caawinayaan shacabkooda.

Arrintan ayaa si weyn loogu amaanay Taliska NISA, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo soo jiidasho leh, loiguna mahadcelinayo ciidamada amniga.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli dowladda Soomaaliya ay sii adkeyneysaa sugidda nabadgelyada, iyada oo heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Booliska oo u xilsaaran dhammaan amniga guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo daafaha caasimada.

Xilli kasta oo la bgaaro Ramadaan waxaa Muqdisho ka dhici jiray falal ammaan darri sida qaraxyo iyo dilal ay soo maleegaan Al-Shabaab, taas oo hadda meesha ka baxday, waxaana beddealkeed haatan Khawaarijta lagu baacsanayaa furimaha hore ee dagaalka oo iyana shaqo adag ka hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard