Muqdisho (Adduun.com) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Villa Soomaaliya, una dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo goordhow la filayo inay si toos ah u bilowdaan wada-hadallada labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in daqiiqadaha soo socda ay xubnaha mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ay ka dhaqaaqi doonaan xenydaabka xerada Xalane oo ay hadda ku leeyihiin shir wadatashi ah oo iyaga gaar u ah.
Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in ciidanka amniga ay xireen qaar kamid ah jidadka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa gala Madaxtooyada, si loo adkeeyo ammaanka guud, oo ay horay u damaanad qaaday dowladdu, kadib dalab ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo diidanaa in shirka lagu qabto Xarunta Villa Soomaaliya, balse dadaal dheer kadib aqbalay.
Kulanka oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo 11-ka illaa 12-ka duhurnimo ayaa ku bilaaban doona hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog noqon doono Ra’iisul wasaare Xamza.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Adduun.com u xaqiijiyay in furitaanka shirka diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.
Qabsoomidda shirka maanta ee gudaha Xarunta Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia, waxaase laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi doonto wada-hadallada bilaabanaya oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
