Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Puntland oo BBC kala hadashay xiriirka Imaaraadka, Laascaanood iyo Somaliland | Wareysi Gaar Ah - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

WAREYSI

Puntland oo BBC kala hadashay xiriirka Imaaraadka, Laascaanood iyo Somaliland | Wareysi Gaar Ah



Waa wareysi gaar ah oo uu Cabdiraxmaan Dhimbiil la yeeshay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, kaas oo faahfaahinayaa diidmada ay Puntland ka muujisay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu laalay heshiisyadii Imaaraadka Carabta, iyo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya mowqifkaas.

Sidoo kale, wareysigu wuxuu dul istaagayaa safarka wafdiga federaalka ee gaaray Laascaanood, macnaha siyaasadeed ee socdaalkaas, iyo sida ay Puntland u aragto.

Qodob kale oo muhiim ah waa aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil, sida ay Puntland u qiimeyneyso arrintaas, iyo waxa ay uga dhigan tahay mustaqbalka khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wareysigu wuxuu iftiiminayaa xiriirka guud ee Puntland kala dhexeeya Muqdisho, heerka wada shaqeyn, meelaha khilaafku ka taagan yahay, iyo waxa laga filan karo xiriirka labada dhinac mustaqbalka soo aadan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in WAREYSI

hitsteps realtime visitors dashboard