Hargeysa (Adduun.com) – Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadalladii uu shalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu ka jeediyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Erdoğan oo booqasho ku tegay caasimadda Itoobiya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo aqoonsiga Somaliland. Maamulka Hargeysa ayaa tan ku tilmaantay fara-gelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladeynayo xiriirrada ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaareynaysaa hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo ay u aragto faragelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladaynayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda iyo dalalka gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in go’aannada siyaasadda dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay inay go’aamiyaan dowladaha iyo shacabka maxalliga ah, sidaas darteedna aan la aqbali karin in loolan shisheeye loo soo raro gobolka, si loo wiiqo xasilloonida iyo iskaashiga.
“Somaliland waxay xaq u leedahay in ay si madax-bannaan ula macaamisho cid kasta oo ay dan u aragto, iyada oo ku salaynaysa maslaxaddeeda qaran iyo rabitaanka shacabkeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Somaliland.
Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Erdoğan uu aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay mid “aan wax dan ah ugu jirin” Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa markaas oo uu barbar taagna Ra’iisul Wasaare Abiy ugu baaqay dalalka gobolka inay la yimaadaan xalal u gaar ah oo ay kaga gudbaan caqabadaha haysta, halkii ay ogolaan lahaayeen in fara-gelin shisheeye ay sii huriso xiisadaha.
“Turkigu wuxuu muhiimad siinaya madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka,” ayuu yiri Erdoğan, oo sidoo kale muujiyay in uusan doonayn in colaado iyo dhibaatooyin hor leh lagu sii kordhiyo gobol horeyba uga jirto xasillooni darro.
Si kastaba, aqoonsiga la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo hoggaanka Dowladda Federaalka uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga gobolka.
Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda, una adeegsaneysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Mareykanka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ka horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
