Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan-gelisay nidaam cusub oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Adduun.com, Dowladda Federaalka ayaa saddex maalin ka hor dhaqan-gelisay nidaamkan oo loo yaqaano Electronic Travel Authorisation (ETA), kaasi oo qorshaha hirgelintiisa ay soo socotay illaa dabayaaqadii sanadkii 2025.
Nidaamkan ayaa si buuxda u xakamayn doona socdaalka dhammaan garoomada caalamiga ah ee dalka, sida; Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Boosaaso iyo garoomada kale ee dalka.
ETA-da cusub ayaa si toos ah ugu xiran nidaamka shirkadaha diyaaradaha ee Departure Control System (DCS) iyo nidaamka xog is-weydaarsiga rakaabka ee API/PNR, sida ay xaqiijiyeen illo si dhow ula socda arrintaan.
Kadib hirgelinta nidaamkan, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota guud ahaan Soomaaliya, haddii uusan horey oggolaansho uga haysan nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tan ayaa macnaheedu tahay in shirkadaha diyaaradaha aysan jari karin “boarding pass” ilaa oggolaanshaha laga xaqiijiyo nidaamka dowladda.
ETA-da ayaa siinaysa Dowladda Federaalka awood ballaaran oo la xiriirta socdaalka, oo ay ka mid yihiin: magaca rakaabka, taariikhda dhalashada, faahfaahinta baasaboorka, taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore, iyo sidoo kale faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku.
Nidaamkan ayaa sida muuqata ka sii adag midka haatan ay ka cabanayaan maamullada qaar ee e-Visa-ha, kaasi oo qasab ka dhigaya in qofka wata baasaboorka shisheeye ee ka degaya garoomada dalka, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, uu jarto fiisahaas ka hor socdaalkiisa.
Arrintan ayaa si toos ah u saameyn doonta shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah sida; FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin inay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan dhaqan-gelin doonto.
Dowladdu waxay si dhameystiran ula socon doontaa xogta rakaabka ay diyaaraduhu usoo qaadaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale hay’adda socdaalka u oggolaan doonta in qofka ay doonto laga reebo diyaaradaha.
Si kastaba, qorshaha hirgelinta nidaamkan cusub ayaa u muuqda mid amni iyo siyaasadba leh, oo dowladda Soomaaliya ku xoojinayso awoodda ay ku maamuleyso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taas oo si toos ah u taaban karta cid kasta oo ka hor timaadda.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli hore maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa, kaasi oo markii uu dhaqan-galay abuuray xiisad xooggan.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
