Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support SOOMAALIYA oo loo oggolaaday daabacaadda baasaboorka… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

SOOMAALIYA oo loo oggolaaday daabacaadda baasaboorka…


Arusha (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo oggolaaday daabacaadda baasaboorka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Naqshadda baasaboorkan iyo go’aanka oggolaanshaha rasmiga ah ee daabacaaddiisa ayaa waxa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, ahna Wakiilka Joogtada ah ee u qaabilsan ururka EAC, Danjire Ilyaas Cali Xasan uu ku wareejiyey Wasiirka Amniga Gudaha, General Cabdullaahi Fartaag iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustafa Dhuxulow.

Go’aankan rasmiga ah ee la soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Isniintii ay dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira iskaashiga iyo socdaalka.

Sidoo kale, oggolaanshahan ayaa u suurtagelinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si buuxda u dhaqan-geliso tallaabooyinka farsamo ee la xiriira baasaboorka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Go’aankan ayaa dhigaya in laga bilaabo bisha December 2025, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u daabacan karto baasaboorka ururka EAC, kadib markii la dhammeystiray dhammaan habraacyadii sharci iyo farsamo ee looga baahnaa.

Arrintan ayaa dowladda Soomaaliya uga dhigan guul iyo horumar diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo xoojinaysa isdhexgalka dalalka gobolka, sare u qaadeysa wada-shaqeynta xubnaha EAC, isla markaana fududeyneysa isu-socodka muwaadiniinta ku nool dalalka ku mideysan ururka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 24-kii November 2023 ka mid noqotay urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard