Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Muuse Suudi oo soo jeediyay arrin xasaas ah oo ka dhan ah xildhibaannada… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Muuse Suudi oo soo jeediyay arrin xasaas ah oo ka dhan ah xildhibaannada…


Muqdisho (Adduun.com) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay kulankii maanta ee Baarlamaanka kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku adan xildhibaannada labada Gole, wuxuuna soo jeediyay in lala xisaabtamo xubnaha iska maqan.

Muuse Suudi ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaanno iyo senatarro la ganaaxay iyo kuwa kale oo aan soo xaadirin kulamada caadiga ah, haddana sidaas mushaar ku qaata, taas oo uu tilmaamay in aysan u fiicneen shaqada golaha.

“Dad ayaa Firinbi inta la joogay, kulamada waa laga joojiyay, Mushahaar kaan qaadano ayey nala qaataan iyagoo banaanka joogo” ayuu yiri Senator Muuse.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in xildhibaannada sidaas sameynaya loola dhaqmo sida askarta oo kale, isla markaana la saaro dhibic ay ku waynayaan mushaaraadkooda, haddii ay soo xaadiri waayaan fadhiyada Baarlamaanka.

“Horta qof aa mushaar ka go’een ogow askara lacag ayay qaataan dhibic ayaa la saaraa mushaarka ayaana ka go’aayo annagu waxaa nahay dad aan dhibic la saareen oo iska soconaayo, waa fool-xumo dadka lagu qiyaamaayo” ayuu sii raaciyay Senator Muuse Suudi.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in guddoonka uu ku dhaqamo xeer hoosaadka oo qeexaya tallaabada ku haboon ee laga qaadi karo xildhibaannada maqnaada iyo haddii uu dhaco xadgudub golaha dhexdiisa ah.

“Waxaa loo baahan yahay in shaqada la’iskula xisaabatamo, laguna dhaqmo xeer hoosaadka golaha, Aqalkeenna waxaa ku jira 5 fadhi kuwa aan imaan kana waa ku jiraan” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay la ganaaxay xildhibaanno kor u dhaafaya 50 Mudane, kuwaas oo ku buuqay kulamadii Baarlamaanka ee looga hadlayay wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard