Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ahlu Sunna Waljamaca oo ku dhowaaqday in beri…. - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ahlu Sunna Waljamaca oo ku dhowaaqday in beri….


Dhuusamareeb (Adduun.com) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in maalinta berri ah ay dhammeystiri doonaan 30-ka bisha Shacbaan, xilli caawa dowladda Soomaaliya iyo inta badan dalalka Islaamka ay ku dhowaaqeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa goordhow go’aankan ku dhawaaqay, waxaana berri aan laga soomi doonin meelo kamid ah gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

“Waxaan buuxi doonaa 30 ka Shacabaan bari oo Arbaca ah Insha Allah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka fal-celiyay hadalka Sheekha oo abuurayo khilaaf dhalashada bisha Ramadaan ah oo caawa la xaqiijiyay in laga arkay gudaha Soomaaliya.

“Somalia laga arkay ayaa la dhahay waa la xaqiijiyay waa la dhaariyay dowladdii ayaa iclaamisay khilaaf ayaad wadaa Shiiqow ilaahey ka cabso ummadda tafaraaruq ha galin aniga Suufi ayaan dhinac ka ahay, lkn saan oo kale ma fiicno” ayiri Nuur Adduunyo oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka Ahlu Sunna.

Dhankiisa Zubeyr Jibriil ayaa yiri “Berri waa maalinta 1-aad ee Ramadaan khilaafka ma fiicna dadkiina iyo dowladdiina raaca”.

Goor sii horreysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa shaacisay in deegaanno ka tirsan dalka laga arkay bisha Ramadaan, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegay in bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, wuxuuna ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan. Waxaa kale raacay inta badan dalalka Islaamka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard