Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay Villa Somalia ka tiri kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka? + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay Villa Somalia ka tiri kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka? + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay kulan qado sharaf ah oo uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii Xukuumaddu ay u fidaysay 19 bishii Jannaayo 2026.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xubnaha kala duwan ee Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulankan looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, midnimada abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab

“Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullahi Carab oo u hadlay  xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa soo dhaweyn, lagana jeediyay hadallo kooban oo ku aadan in dhinacyadu ay muujiyeen niyad wanaag guud.

“Waxaan kasoo qayb-galnay annagoo ah Golaha Mustaqalka qado sharaf uu sameeyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta waxay ahayd uun shirka furitaankiisa khudbado gaagaaban ayaa meesha laga akhriyay oo isugu jiray soo dhaweyn iyo mahad-celin” ayuu yiri Cabdullahi Carab.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in shirarku sii socon doono, kadibna la’isugu imaan gogosha oo lagu dhammeyn doono wax kasta oo tabasho ah.

“Shirarka maanta wixii ka dambeeya si toos ah ayay u bilaaaban doonaan, waxaana caawa illaa berri soconayo shirar gaar gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo arrinta Dastuurka oo muddo dheer soo taagneyd.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard