Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka?


Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa goordhow hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobmay kulan qado sharaf ah oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka oo la filayo in wada-hadallo ay dhawaan uga bilowdaan gudaha caasimada.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac ah oo dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirkooda.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in madaxdan oo ay ku jireen Axmed Madoobe iyo Saciid Den ay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadlay khilaafka dhex-dooda, iyo arrimo ku aadan wada-hadallada bilaabanaya ee labada dhinac.

Xildhibaan Cabdullahi Carab oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb-galay ayaa sheegay in madasha laga jeediyay hadallo kooban oo soo dhaweyn ah, isla markaana dhinacyadu ay muujiyeen niyad wanaag guud.

“Waxaan kasoo qayb-galnay annagoo ah Golaha Mustaqalka qado sharaf uu sameeyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta waxay ahayd uun shirka furitaankiisa khudbado gaagaaban ayaa meesha laga akhriyay oo isugu jiray soo dhaweyn iyo mahad-celin” ayuu yiri Cabdullahi Carab.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in shirarku sii socon doonaan, kadibna la’isugu imaan gogosha oo lagu dhammeyn doono wax kasta oo tabasho ah.

“Shirarka maanta wixii ka dambeeya si toos ah ayay u bilaaaban doonaan, waxaana caawa illaa berri soconayo shirar gaar gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Ajendaha shirka guud ayaa noqon doono xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo arrinta Dastuurka oo muddo dheer soo taagneyd.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard