Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support BF oo sii wada wax ka beddelka lagu muransan yahay – Maxaa maanta dhacaya? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

BF oo sii wada wax ka beddelka lagu muransan yahay – Maxaa maanta dhacaya?


Muqdisho (Adduun.com) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah, kaasi oo lagu sii amba-qaadayo wax ka beddelka dastuurka oo muran xooggan ka taagan yahay.

Guddoonka ayaa xalay mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya u diray farriimo wargelin ah, oo looga dalbanayo inay soo xaadiraan kulan maanta, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada guddoonka baarlamaanka doonayo in lagu dhameystiro dastuurka KMG ah.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka beddelka dastuurka, cutubyada 7-aad iyo 8-aad, gaar ahaan qodobbada 109-aad illaa 119-aad iyo qodobbada 120-aad illaa 129-aad.

Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa.

Guddoonka Baarlamaanka oo gadaal ka riixaysa Villa Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu soo afmeero wax ka beddelka dastuurka ka hor furitaanka wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka ay ka dhaceen buuq lagu diidan yahay qorshahan.

Guddiga dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale u kala jabay laba garab, iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka, Senator Cabdirisaaq Cismaan, iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ay ka horyimaadeen sida loo wado wax ka beddelka dastuurka.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay Muqdisho u yimaadeen wada-hadallada Dowladda Federaalka, si xal looga gaaro arrimaha taagan, gaar ahaan hanaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho, si la iskula qaadaa-dhigo halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Doodda ugu xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii ridday furitaanka shirka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard