Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Amiirka Qatar oo arrin muhiim u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Amiirka Qatar oo arrin muhiim u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga wada-hadlay amniga, xasilloonida, iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka.

“Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyay in dowladdiisu si buuxda u garab taagan tahay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta uu door weyn ka qaato xasilloonida iyo kobaca dalka.

Wada-hadalka labada hoggaamiye ayaa sidoo kale taabtay xoojinta xiriirka labada dal iyo sii ambaqaadidda iskaashiga mustaqbalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sii xoojiyo fursadaha horumarineed ee Soomaaliya iyo in la helo taageero dheeraad ah oo ka timaadda Qatar si loo hormariyo mashaariicda muhiimka ah ee dalka.

Amiirka Qatar ayaa mar kale ku celiyay sida ay muhiim u tahay in la taageero dadaallada nabadeynta iyo xasilloonida ee socda gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyna, wada-hadalka ayaa ku soo dhammaaday isfaham buuxa oo ku saabsan sii ambaqaadidda iskaashiga labada dal iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaalaha ee mustaqbalka.

Qatar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida, ayaa mar kale lagu wadaa inay xoojiso taageerada milatari ee dalka.

Soomaaliya ayaa dabacsanaan wayn u muujisay Dooxa, si ay u noqoto beddelka Abu Dubai oo dhawaan ay kala tageen, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiisyadii horay loola galay Imaaraadka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard