Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Mustaqbalka oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Mustaqbalka oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo maanta madaxda golaha ay la kulmeen ururrada bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla xayndaabka garoonka ee xerada Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo shirka dhowaan uu goluhu la yeelanayo Dowladda Federaalka, si dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah.

Waxaa goobjoog ka ah kulanka madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirkan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo dhexmaray madaxda Puntland, Jubaland iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyagana looga hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku guda jira wadatashiyada ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkastoo weli la isku mari la’yahay goobta uu ka qabsoomayo shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo ay isku fahmi la’yihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard