Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay yihiin dhalinyarta uu Turkiga dib ugu soo celinayo Soomaaliya? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay yihiin dhalinyarta uu Turkiga dib ugu soo celinayo Soomaaliya?


Ankara (Adduun.com) – Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya dib ugu soo celiso dhallinyaro Soomaali ah oo muddo ka badan afar bilood ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas.

Dhallinyaradan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa la sheegay inay Turkiga gaareen waqtiyo kala duwan, iyagoo damacsanaa inay halkaas uga sii gudbaan dalal kale.

Badankood waxaa la qabtay xilli ay isku diyaarinayeen safarro tahriib ah, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in laga soo kala qabtay goobo kala duwan, ka hor inta aan loo gudbin xabsiyo si baaritaanno iyo hubin sharciyeed loogu sameeyo.

Qaar ka mid ah dadka xiran ayaa eheladooda u sheegay in lagu wargeliyay in muddo ku dhow 72 saacadood gudahood dib loogu soo celin doono Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay ku booqdeen xabsiyada, iyagoo si rasmi ah ugu gudbiyay qorshaha la xiriira dib u celintooda.

Turkiga ayaa horey u masaafuriyay muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo qaarkood uu ka dhacay sharcigii deggenaanshaha, halka kuwo kalena la qabtay iyagoo isku dayayay inay si sharci darro ah uga sii gudbaan dalal ka tirsan Yurub.

Si kastaba, sanadihii u dambeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fududeysay soo celinta qaxootiga, muhaajiriinta iyo maxaabiista ku xiran dalalka dibadda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard