News
Faa’iido wayn oo laga helayo heshiiska cusub ee dalalka Somalia iyo Tanzania + Sawirro
-
-
by
Sacdio
Arusha (Adduun.com) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan in muwaadiinta Soomaaliyeed ee tegaya dalkaas ay fiisaha ku heli karaan marka ay ka dagaan garoonka.
Heshiiska oo ah is-Afgarad (MoU) ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Sida ku cad qoraal ay soo saareen labada dowladood heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa).
Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada.
Dhanka kale, waxaa loo mahadceliyay safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo isagu dadaal geliyay saxiixa heshiiskan oo muhiim ah shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda ee ka howlgala dalka Tanzania” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.



SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
