Saciid Cabdullaahi Deni, oo ah hoggaamiyaha maamulka ugu curadsan maamullada hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, ma aha maslaxad-doon, mana doonayo in Soomaaliya noqoto dal leh dowlad cagaheeda isku taagta. Haba iska ahaato dabeecad ay wadaagaan DFS iyo Puntland, oo hoggaamiyeyaashii soo maray ay giddigood ka sinaayeen in laga horyimaado hab-maamulka Dowladda Dhexe ee dalka.
Waxaa la xusuustaa AUN Kornel Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo iska diiday in uu la shaqeeyo Dowladdii Carta ee Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan; Cabdiraxmaan Faroole oo diidanaa wadashaqeyn in uu la yeesho Dowladdii Sheekh Shariif; si la mid ahna Cabdiweli Gaas oo diidanaa la shaqeynta dowladuhii kala dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo.
Halka dowlad ee uu maamulkaas si dhab ah ula soo shaqeeyay ay ahayd middii AUN Kornel Cabdullaahi Yuusuf Axmed, taas oo la xusuusto in ay kab dhaqaale iyo taageero ciidanba la garab taagnaayeen xilligaas oo uu hoggaaminayay Puntland AUN Janaraal Cadde Muuse Xersi.
Waxaan shaki ku jirin in Faroole iyo Gaas doodooda ugu weyn ay ahayd in Puntland hesho xuquuq ka dheeri ah maamullada kale ee dalka iyo mudnaan gaar ah, oo ay arrimaha dastuurka iyo doodaha ku dhisan jireen, dabadeedna ku gorgortami jireen in ay helaan beddel mashaariic horumarineed.
Waxaase xaqiiqo ah in Saciid Deni yahay hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara Puntland, oo aan u daneynin in uu ku daneysto mooyee, uguna tabarta darnaa marka ay timaado doodaha geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Haddaba maxaan sidaas u leeyahay? Ma dulminayaa mise waxaan u heli karaa caddeymo ku filan? Hoos ka akhri sababta.
Ka bixitaankii Golaha Wadatashiga Qaran
Waxa uu horay uga tagay gogoshii Golaha Wadatashiga Qaran oo ahaa gole dastuuri ah oo uu qayb ka ahaa, si looga heshiiyo qodobada masiiriga ah ee ku hor gudbanaa qaran-dhiskeenna. Wuxuu shirka ka cararay horraantii muddada xilka Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taariikhdu markay ahayd 05/12/2022.
Goluhu waxa uu markaas ku heshiiyey dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen:
- Asteynta awoodaha saddexda heer dowladeed: Dowladaha Hoose, Dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.
- Federaaleynta garsoorka dalka oo ilaa hadda u dhisan qaabkii dhexe (centralized).
Inta kale waa saxiixeen, isaga waa iska diiday. Ma uusan codsan muddo dheeri ah si uu wadatashi u aado, dood kama furin miiska ama makarafoonnada bannaanka midna, mana la yaqaan aragtidiisa ku aaddan qeexidda awoodaha saddexda heer dowladeed iyo federaaleynta garsoorka dalka.
War-murtiyeedka kulankiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) waxaa saxiixay dhammaan Dowlad-goboleedyada kale iyo Dowladda Federaalka marka laga reebo Puntland. Sidaan qormada ku soo tilmaamay, Saciid fikrad ka duwan midda lagu heshiiyay ma keenin kadib shirkaas, fagaarayaasha bulshada lagula hadlo ee warbaahinta iyo doodaha furan, mana aadin wadatashi.
Lama arag isagoo isugu yeeraya labeenta siyaasadda Puntland: Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xubnaha labada aqal, wasiirradii hore ee heer Federaal iyo heer Puntland, diblumaasiyiinta iyo Isimada deegaanka, si uu ula wadaago ra’yiga uu ka qabo qodobada masiiriga ah ee ku xirnaa dhameystirka Dastuurka JFS, ugana dhageysto midka ay ku biiriyaan. Ugu dambeyn, wuu ka tagay gogoshii uu xaqa u lahaa, taas oo lagu macneyn karo diidmo ah in qaran taabagala uu hanaqaado iyo horusocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed.
Diidmada wadahadalka ee Saciid Deni
Dowladda Federaalka kama aamusin arrinta la xiriirta tagitaankiisa. Waxaa loo diray ergo ka kala tirsan NCC, wuu ka cudurdaartay. Waxaa loo diray xubno Soomaali ah oo xal keeni kara, wuu diiday. Waxaa loo diray Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, waa lagu qancin waayay. Waxaa loo diray diblumaasiyiin ka socday dalal saaxiib la ah Soomaaliya, iyagana waa ka diiday.
Waxaa lagu kari waayay in waxa uu diidan yahay miiska ku diido. Ugu dambeyn waa laga quustay.
Ka maqnaanshaha shirarkii xigay
Wuxuu ka maqnaa shirkii Baydhabo lagu qabtay ee xigay kii ugu dambeeyay ee uu ka tagay. Waxaa gogosha halkaas loo dhigay bal in uu aqbalo casuumaadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed waana diiday. Halkaas waxaa looga soo heshiiyey qodobo ay ka mid ahaayeen:
- Federaaleynta Hay’adaha Maamulka iyo Maaliyadda.
- Mideynta dakhliga dalka iyo dhismaha hay’adaha dakhliga (Somali Revenue Authority).
- Federaaleynta Hay’adaha Amniga Dalka.
Sidoo kale wuxuu ka maqnaa shirkii saddexaad ee ka dambeeyay kii uu ka tagay, oo isagana looga heshiiyey:
- Nooca Doorashooyinka.
- Tirada Xisbiyada Dalka ku habboon iyo qaabka ay ku soo baxayaan.
- Qaab-maamulka Xafiisyada Qaranka noqonayaan, ma Baarlamaani mise Madaxtooyo (Parliamentarian or Presidential System) midood.
Khilaafka doorashooyinka Puntland
Dhankiisa, wuxuu watay doorashooyin gaar u tolan oo uu ka qabtay doorasho hal dhinac ah oo buuq badan hareeyay, isagoo lagu eedeeyay kicinta shacabka, hurinta ficillo qabyaaladeed, la dirirka qof walba oo ka ra’yi duwan, dulqaad yari iyo dabeecad xumo bannaanka u soo saartay shaqsiyadiisa dhabta ah ee ku sifeysan itaal-yaridiisa hoggaamineed.
Ugu dambeyn, wuu is doortay. Dowladda Federaalka way soo dhaweysay, Madaxweynaha JFS-na wuxuu ka qeyb galay caleemo-saarkiisa. Waxaa la filayay in uu dib ugu soo laabto wadahadaladii NCC kadib is-doorashadiisa, balse taasi ma dhicin.
Khilaafaadka gudaha Puntland
Saciid wuxuu la heshiin waayay Isimadii uu kuraasta Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal ka soo boobay xilligii doorashada 2022-ka, iyo sidoo kale xubnihii Baarlamaanka Puntland oo uu doorashadiisa 2024 iyana ka boobay. Wuxuu kala irdheeyay mudaneyaashii uu kuraasta u soo boobay ee heer Federaal oo uu isku haysan waayay. Wuxuu ku guuldarreystay inuu heshiis la gaaro siyaasiyiintii iyo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland oo ay ku kala tageen damaciisa guracan iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed ee deegaanka.
Maanta cid uu heshiis la yahay ma jirto marka laga reebo tiro kooban oo dadka u caaya, una qaabilsan Soomaali kala geynteeda, lagana xusi karo Wasiir Juxa, Wasiir Caydiid Dirir, Xildhibaan Dhaashane iyo qaaqlaha baraha bulshada ee Ayuub Geesdiir.
Wuxuu si aan gambasho lahayn isu-hortaagay u hoggaansanaanta awoodaha Dowladda Federaalka ee uu Dastuurka Federaalka siiyay, waxaana laga xusi karaa qodobada hoos ku qoran:
1. Siyaasadda arrimaha dibadda
Wuxuu ku eedeysan yahay inuu la safnaa dano ka horimaanaya maslaxadda qaranka, gaar ahaan xilligii xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu la safnaa cadowgii ciiddeenna soo hammiyay. Waxa uu xilligaas gacan haatinayay in uu Dowladda Itoobiya la saxiixdo heshiis sharci-darro ah oo uu ugu ogolaanayo Dekedda Garacad.
Wuxuu safarro kala duwan ku tagay Itoobiya xilliyadii ay xiisaddu taagneyd. Marar badan waxaase arrintaas ku dhiirran weysay Dowladda Itoobiya oo dhimbil dab ah ku noqday is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay maamulka gooni-u-goosatada Hargeysa fadhigiisu yahay, sabab la xiriirta muruqa diblumaasiyadeed ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala hortagtay dhagartaas.
Wuxuu ka gaabsaday in uu oraah ku taageero dadaalka lagu difaacayay midnimada iyo madaxbannaanida dalka, wuxuuse taa beddelkeeda hadal uu ka jeediyay Garacad ku sheegay in uu khayaali yahay dadaalka diblumaasiyadeed ee ka dhanka ah duullaanka Dowladda Itoobiya ku soo maagtay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Wuxuu sii waday xagal-daacinta difaaca dalka, wuxuuna diidmo kala horyimid amarkii xiritaanka Xafiisyada Qonsuliyadeed ee Dowladda Itoobiya uga furnaa Garoowe iyo Hargeysa, gaar ahaan kan Garoowe, wuxuuna tilmaamay in Puntland u madax-bannaan tahay arrimaheeda, oo uu ula jeedo “wax walba waan u madax-bannahay.”
Waxaa uu heshiis kula soo galay magaalada Nairobi hoggaamiyaha gooni-u-goosatada Hargeysa, kaas oo uu hoosta uga xarriiqay in uu gacan ku siin doono in ay xaqiijiyaan rabitaankooda, wixii liddi ku ahna ay isku meel uga soo wada jeestaan. Waxa ayna is-tuseen in Dowlad-goboleedka Cusub ee Waqooyi-bari himiladaas halis ku yahay, sidaas darteedna ay u midoobaan sidii meesha looga saari lahaa.
Wuxuu ka gaabsaday ka hadalka aqoonsiga beenaadka ah ee ay Yuhuuddu siiyeen kooxda gooni-u-goosatada Hargeysa, isagoo Dowladda Federaalkana ku gacan-seyray laalidda heshiisyadii Dowladda Imaaraadka ee gayiga Soomaaliya kadib markii la dareemay in ay dhagarta Yuhuudda iyo Itoobiyaba ku soo maageen dalkeena, gadaalna ka taagneyd.
2. Difaaca qaranka
Wuxuu ka horyimid qaadista cunaqabateyntii hubka. Wuxuu ka cararay shirarkii GWQ ee NCC ee lagu gorfeynayay federaaleynta hay’adaha amniga dalka. Wuxuu si cad u diiday in DFS door ka qaadato arrimaha la dagaallanka argagixisada Khawaarijta iyo Daacish ee gudaha Puntland, mid toos ah iyo mid dadbanba.
3. Jinsiyadda iyo socdaalka
Wuxuu diiday nidaamka fiisaha online-ka ah (visa online) ee DFS hirgelisay si looga hortago argagixisada dalka ku soo qulquleysa, iyo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo sheegay in Puntland sameyn doonto kaar u gaar ah.
4. Lacagta qaranka
Wuxuu ka horyimid deyntii laga cafiyay dalkeena ee gaareysay 4 Bilyan iyo barka.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland sameyn doonto lacag iyo bangi dhexe oo u gaar ah, taas oo si toos ah uga hor imaanaysa Dastuurka Dalka. Sidoo kale waxaa uu heshiisyo qarsoodi ah la galay shisheeye calooshood-u-shaqeystayaal ah oo uu kula heshiiyay kalluunka iyo kheyraadka macaadinta iyo dahabka gobolka Sanaag. Wuxuu jaray gabi ahaanba wadashaqeyntii mashaariicda DFS.
Si kasta oo ay DFS iyo Puntland isku khilaafaan, marnaba taariikhiyan ma istaagin fulinta mashaariicda horumarineed iyo wadashaqeynta hay’adaha kala duwan ee labada heer dowladeed. Sidaas darteed, Saciid Deni waa hoggaamiyihii ugu liitay ee Puntland soo mara iyo siyaasigii ugu qalafsanaa ee kala garan waaya danta qaranka iyo dantiisa gaarka ah.
W/Q: Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cumar Cabdiraxmaan Macow (Cumar Faaruuq)
[email protected]
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Adduun.com. Adduun.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
