Baydhaba (Adduun.com) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada maamulkaasi ayaa amar siiyay saraakiisha u xilsaaran amina ee uu la kulmay.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawishta, iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada amni, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada guud ee Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen oo kulanka ka hadlay ayaa faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana la laba jibbaaro howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
Intaas kadib saraakiisha ka qayb-galay kulanka ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee guud iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobollada maamulkaasi.
Waxaa kale oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka shacabka ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray go’aanno wax ku ool ah oo lagu xoojinayo istaraatiijiyadda amniga iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Baydhaba uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo xooggan.
Si kastaba, xaaladda ayaa hadda deggan, wuxuuna maamulka isku dayaa inuu ka hortago in tallaabo ciidan loo adeegsado isbeddal ka dhaca Koonfur Galbeed.

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
