Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan oo dib ugu soo laabtay dalka iyo shirka oo… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan oo dib ugu soo laabtay dalka iyo shirka oo…


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay, kadib shirar muhiim ah oo uu ugu soo qayb-galay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa soo laabashadiisa si weyn looga dareemayaa caasimada oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh.

Sida uu qorshuhu yahay Villa Soomaaliya ayaa haatan xoogga saareysa furititaanka shirka ay la leedahay Golaha Mustaqbalka oo ay qayb ka yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Xasan Sheekh uu si deg-deg ah u gada-geli doono qabashada gogosha uu dhigay, si looga wada-hadlo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyo dastuurka.

Gogosha ayaa haatan wajahaysa rajo caqabado waa wayn, waxaana weli lagu heshiin la’ahay goobta lagu qabanayo shirka, maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ka caga jiidayaan inay tegaan Xarunta Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad oo xalay booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sameeyay isku dayo uu ku qancinayo labada madaxweyne, isaga oo la sheegay inuu u fidiyay damaanad amni’ si ay u tegaan  Madaxtooyada, looguna qabto shirka ay la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale xalay la shiray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo kala hadlay is mari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ka ah.

Si kastaba, waxaan haatan socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo xal loogu raadinayo inay dhacaan wada-hadallada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard