Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad oo xalay booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay in damaanad amni uu u fidiyay’ si ay u tegaan xarunta Villa Soomaaliya, looguna qabto shirka ay la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mahad Salaad oo dhex-dhexaadin sameeyay ayaa Axmed Madoobe iyo Deni kula shiray hoteelka ay ka dagan yihiin xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, isaga oo ku booriyay inay ogolaadaan in Madaxtooyada lagu qabto wada-hadallada u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, si xal loo gaaro.
Sidoo kale, Agaasimaha NISA ayaa xalay la shiray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo kala hadlay is mari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah.
Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, waxaana Villa Soomaaliya ka gows adeegsayo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhowr cisho ku sugan gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tegaan Madaxtooyada ee inay Soomaaliya badbaadiyaan ayey u joogaan, Ninka dhallinyarada ah ee Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ahna shaqadiisa nin yaqaanna maaha”. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wasiir ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran oo sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qasban yihiin inay tegaan Villa Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ninkaas Wasiirka ka ah Gaashaandhigga waxa ay ahayd inuu ka hadlo Ciidanka NISA Jubbaland guulihii ay ka gaareen howdka Badda Madow oo lagu burburiyay warshadii qaraxyada Al-Shabaab”.
Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana shirar gaar gaar ah ay hadda u socdaan labada madaxweyne iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ee iyana kasoo horjeeda qorshaha madaxweynaha Soomaaliya.
Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, unna weli taagan yahay is mari-waa xooggan oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
