Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxamed Qadar iyo Xeydar Mukhtaar oo maanta lagu xukumay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxamed Qadar iyo Xeydar Mukhtaar oo maanta lagu xukumay…


Muqdisho (Adduun.com) – Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo afgarashadiisu tahay Xeydar Mukhtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan.

Labadan nin ayaa loo haystay dilal iyo qaraxyo magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo ka dhacay 2025, iyadoo baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida uu codsaday qaadista kiisaskan.

Fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-tii December 2025, waxaana Maxamed Aadan Abuukar Shan lagu xukumay 15 sano oo xabsi argagaxiso ah.

Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa isna lagu xukumay 10 sano oo xabsi Aagagaxiso ah, balse Xafiiska Xeerilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

4-tii bishan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo dhageysatay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Maxamed Xeydar iyo Maxamed Qadar ayey maanta Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ku wada xukuntay min shan iyo toban sano oo xabsi argagixiso ah.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wacaagay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u dhageysanaysay dacwooyin loo haysto askar iyo xubno Al-Shabaab ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo qaraxyo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada dilka toogashada ah.

Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, kuwaas oo qaarkood yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo sugaya goorta lagu fulinayo xukunnada ay maxkamaddu ku riday.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard