Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ciidamo Turki ah oo saldhigyo ka sameystay Shabeellaha Dhexe + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ciidamo Turki ah oo saldhigyo ka sameystay Shabeellaha Dhexe + Ujeedka


Warsheekh (Adduun.com) – Ciidamo ka socda dalka Turkiga oo la geeyay furimaha hore ee dagaalka ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan cusub ay saldhigyo ka sameysteen deegaanka Bashaqle iyo xerada Qorillow oo ay horey uga howlgali jireen ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen aagga xeebta, iyaga oo ka bilaabay howlo amni xaqiijin ah.

Sida ay ogaatay Adduun.com, deegaannadan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyay in mustaqbalka laga hirgeliyo mashaariic hormarineed oo ay waddo xukuumadda Ankara, kuwaas oo ay kamid yihiin xeryo la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeed oo haatan lagu howlan yahay.

Dhanka kae, illaa iyo hadda Dowladda Federaalka iyo saraakiisha Turkiga mid-koodna weli kama aysan hadlin dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas ee Shabeellaha Dhexe.

Ankara ayaa dhawaan xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, waxayna dirtay maraakiib dagaal oo la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka loo soo saarayo Soomaaliya oo dhawaan la guda galayo.

Waxaa kale oo uu Turkigu Soomaaliya keenay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16, kuwaas oo imaashahooda uu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada waddan, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.

Si kastaba ha’ahaatee, Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaaro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard