Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support PUNTLAND oo eedeyn yaableh u jeedisay Wasiir Fiqi - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

PUNTLAND oo eedeyn yaableh u jeedisay Wasiir Fiqi


Garoowe (Adduun.com) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo qoraal soo saaray ayaa eedeyn yaableh u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo siyaasad ahaan ay is hayaan xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Caydiid ayaa sheegay in Fiqi uu yahay Al-Shabaab, isla markaana uu isaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ay sabab u yihiin khilaafka ka jira dalka.

“Fiqi waa Al-Shabaab; khilaafka siyaasaddeed isaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ayaa asal u ah. Hasha geela cunta ee cabaadda weeye; shisheeyahana isaga ayaa afarta jeebba ku sita” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Axmed Macallin Fiqi uu horay ula saftay kooxda Daacish oo haatan dagaal adag ay kula jirto Puntland.

“Sanad iyo dheeraadkii ay Ciidanka Puntland dagaal kula jireen ISIS, wuxuu taageerayey ISIS. Wuxuu yiri: “Dagaal ma jiro ee Deni baa xayeysiis loo samaynayaa.” Dacaayadaha ISIS ay faafinayeen buu hormuud u ahaa, heer uu gaadhay in uu yiraahdo Boosaaso laga duqeeya Sudaan” —taas oo uu ula jeeday inaan Puntland ISIS ka adkaan” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweynihiisa ayaa masuul ka ahaa heshiiskii Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Ahmed, aakhirkiina ku shirbayay Abiy Ahmed Waa igaar Abgaal ah”.

Hadalkan ayaa u muuqdo mid ay Puntlad uga jawaabeyso dhaliilaha joogta ah ee Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo inta badan baraha bulshada ka weerara madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard