Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Diyaarad milatari oo Turkiga leeyahay oo maanta kasoo degtay Muqdisho - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Diyaarad milatari oo Turkiga leeyahay oo maanta kasoo degtay Muqdisho


Muqdisho (Adduun.com) – Diyaarad millatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas, kana tirsan Ciidamada Cirka Turkiga, ayaa saakay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka soo kacday Saldhigga Cirka ee Kayseri Erkilet ee dalka Turkiga ayaa si nabad ah uga degtay garoonka, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka safarkeeda.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in imaanshaha diyaaraddan uu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.

Garoonka Kayseri Erkilet ayaa ah saldhig muhiim ah oo ay si weyn u adeegsadaan shirkadaha difaaca Turkiga, isla markaana door ka qaata howlaha milatari iyo kuwa saadka.

Diyaaraddan ayaa hore dhowr jeer u timid Muqdisho, xilli iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda Ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Si kastaba, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Waxaa la sheegaya in keenista diyaaradaha dagaalka ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda, oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard