Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa ka socda Addis, Qaahira & Asmara - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa ka socda Addis, Qaahira & Asmara


Addis Ababa (Adduun.com) – Socdaalka rasmiga ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Prince Faisal bin Farhan, uu ku tagay magaalada Addis Ababa Arbacadii, waxa uu calaamad u yahay weji cusub oo ka mid ah xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Riyadh iyo Geeska Afrika.

Booqashadan oo timid xilli ay gobolka ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo xawaare ku socda, ayaa daba-socota iskaashi soo jireen ah oo labada dal u dhexeeyay tan iyo xilligii ay Sucuudigu doorka weyn ka ciyaarayeen heshiiskii nabadda ee Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018.

Wasiirka oo si rasmi ah loogu soo dhoweeyay caasimadda Itoobiya, waxa uu siday farriin muhiim u ah xasilloonida labada dhinac ee Badda Cas, isagoo matalaya mid ka mid ah quwadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ugu saamaynta badan, dalalka badda cas, caalamka Islaamka iyo gobolka Carabta.

Soo celinta nabadda Eritrea iyo Itoobiya

Booqashada Prince Faisal ee Addis Ababa waxay xambaarsan tahay hadaf cad oo la xiriira dib u soo noolaynta doorkii dhexdhexaadinta ee Sucuudiga ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Boqortooyada Sucuudigu waxay dadaal ugu jirtaa inay mar kale nabad dhex dhigto labadan dal si loo soo afjaro xiisadda cusub ee soo kala dhex galay, iyadoo laga duulayo guushii taariikhiga ahayd ee sannadkii 2018-kii markaas oo heshiiskii nabadda lagu saxiixay magaalada Jidda.

Maalin kaddib booqashada Wasiir Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ee Addis, waxaa Asamar kadegay kuxigeenkiisa Inj Waliid Alkhariiji, kaas oo fariin lamid ah tan wasiirkiisa gaarsiiyay Afwerki. Labada wasiir ee Suuciga ah, labaduba waxay la kulmeen madaxda dalkaas, taas oo si dhab u caddaynaysa deddaalka Riyaad ka wado gobolka.

Tallaabadan ayaa xoogaysatay kaddib markii uu Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu bishii Diisamber, 2025, booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu sarreysa Boqortooyada.

Wax kayar laba bil kaddib booqashada Afwerki, 2-dii Febraayo, waxaa Riyaadh gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timothewos, halkaas oo lagu lafugaray xaalka gobolka si gaar ah Badda Cas iyo khilaafka Eritrea. Itoobiya ayaana aqbashay in Sucuudigu hormuud ka noqdo deddaalada gobolka.

Boqortooyada ayaana martigelisay maalin kaddib imaanshaha wasiirka Itoobiya, 3-dii Febraayo, Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Erdogan, waxaanana la wadaagay in labada dal ee Sucuudiga iyo Turkiye ay bilaabeen olole lagu nabdaynayo gobolka Geeska iyo Badda Cas, si hoos loogu dhigo kacsanaanta gacan ka hadalka ku socota.

Madaxweyne Erdogan ayaana 4-tii Febraayo usii gudbay Qaahira si uu u gaarsiiyo wadahadalka Sucuudiga iyo doonista in lagu dhammeeyo xiisadda Addis iyo Qaahira. Inkasta oo hindisaha boqor Salmaan ee nabdaynta gobolku bilow yahay haddana waxaa uu ku socdaa dardar xoog leh.

Maalintii 7-da bisha waxaa Qaahira yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Cabdifataax Alsiisi, kaas oo maalinkii xigay safar saaacado ah ku tegay Abu-Dhabi.

Maalin kadib, waxaa Addis Ababa gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada, Faysal bin Farhan, isagoo kulan la qaatay Raysal Wasaare Abiye gaarsiiyayna fariinta nabadda ee boqorka dalka Sucuudiga.

Isku gaynta safaradaas iyo xogta warbaahinta ayaa muujinaya in Sucuudigu rabo inuu isticmaalo saamayntiisa diblomaasiyadeed si looga fogaado wax kasta oo dib u hurin kara colaad ka dhex qaraxda labadaas dal, taas oo saameyn taban ku yeelan karta amniga guud ee marinka Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo kulanka Abiy Ahmed

Kulankii dhex maray Prince Faisal bin Farhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, waxa uu ahaa mid diiradda lagu saaray isku-xirka danaha amniga iyo kuwa dhaqaalaha ee labada qaran.

Labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, iyadoo Sucuudigu uu doonayo inuu hubiyo in Itoobiya ay door togan ka ciyaarto nabadgelyada marinnada caalamiga ah ee biyaha Badda Cas.

Sucuudi Carabiya oo hadda hoggaaminaysa dadaallo ballaaran oo lagu sugayo amniga badaha, waxay Itoobiya u aragtaa saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysan kara xasilloonida dhulka gudaha ee saameeya amniga gobolka oo dhan.

Wadahadalladan ayaa sidoo kale taabtay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga Sucuudiga ee Itoobiya, kaas oo markii horeba ku xoogganaa dhinacyada beeraha iyo tamarta, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo lagu xoojinayo dhaqaalaha labada dhinac.

Midnimada Suudaan iyo Mowqifka Adag ee Riyadh

Mawduuc kale oo muhiim ah oo miiska wadahadalka saarnaa waxaa ahaa xaaladda cakiran ee dalka Suudaan, halkaas oo Sucuudigu uu ka istaagay mowqif adag oo aan tanaasul lahayn. Prince Faisal ayaa hore u caddeeyay in Boqortooyada Sucuudigu aysan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku ah wadajirka dhul iyo dad ee dalka Suudaan, ama isku day kasta oo lagu kala qaybinayo qarankaas.

Riyadh waxay aaminsan tahay in xasilloonida Suudaan ay tahay tiir-dhexaadka amniga Geeska Afrika iyo dalalka Carabta, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhinacyada isku haya dalkaas ay u hoggaansamaan wadahadallada nabadda ee Jeddah.

Farriintan waxay si gaar ah ugu socotay quwadaha gobolka ee laga yaabo inay door ku leeyihiin faragelinta arrimaha Suudaan, xilli ay soo baxday Itoobiye ku lug yeelatay colaadda Suudaan, iyadoo Sucuudigu uu diyaar u yahay inuu isticmaalo culeyskiisa diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo qarannimada iyo midnimada Suudaan.

Nabadda gobolka iyo saamaynta diblomaasiyadeed

Ujeedada rasmiga ah ee booqashadan ayaa lagu sifeeyay mid loogu kuur-galayo horumarka gobolka iyo dadaallada nabadda, taas oo muujinaysa in Riyadh ay doonayso inay xoojiso doorkeeda dhexdhexaadinta ee colaadaha Geeska Afrika. Iyadoo aan wali la shaacin qodobo si gaar ah u taabanaya arrimaha xasaasiga ah ee gobolka, haddana falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Sucuudigu uu rabo inuu isku xiro taageerada uu siiyo Itoobiya iyo xasilloonida guud ee Afrika.

Addis Ababa, waxaa kusugan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalaya meertada 39aad ee kulanka heer wasiir ee Midowga Afrika. Soomaaliya ayaana olole wayn ugu jirta xaqiijinta Midnimada dalkeeda.

Boqortooyada ayaana bixinaysa deddaal wayn oo ku aaddan in laga hortago duulaanka Israa’iil kusoo qaaday Soomaaliya, waxayna kamid ah tahay qodobada ay kala hadlayso madaxda dalka Itoobiya.

Sikastaba, Sucuudiga ayaa xilligan ku hawlan ka shaqaynta galalka Midnimada Suudaan, Soomaaliy, Badda Cas iyo Niilka oo lagu daray khilaafka gacanka hadalka taagan ee Eritria iyo Itoobiya.

Isha: Somali Stream

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard