Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Rejo xumo laga muujiyey shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Rejo xumo laga muujiyey shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka


Muqdisho (Adduun.com) – Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa laga muujinaya rejo xumo weyn ka hor inta uusan furmin.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xulafada mucaaradka ayaa sheegay in wax natiijo ah aysan kasoo baxayn shirka.

Xildhibaan Jacfar ayaa arrintaan u sababeeyay hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyay in uusan daacad ka ahayn wada-hadallada, isla markaana wax walba uga weyn yihiin rabitaankiisa iyo damiciisa shaqsiga.

“Haddaan sii sheegayaaye, shirka waxba kama soo baxayaan ee madaxda timid howshooda ha qabsadaan, kuwa Muqdisho-na ha is diyaariyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo habeen hore hadal ka jeediyay kulankii xildhibaanada mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka.

Tan ayaa imaneysa xilli Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay weli isku fahmi la’yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, waxaana socota dhexdhexaadin beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard