Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan iyo wafdi sare oo ka socday UK oo wada-hadal ku yeeshay Villa Somalia + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan iyo wafdi sare oo ka socday UK oo wada-hadal ku yeeshay Villa Somalia + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika, Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la-dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Jenny Chapman, ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay xustay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dowladood ay ku xoojinayaan iskaashiga istiraatiijiyadeed, nabadgelyada, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga si loo gaaro horumar waara.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard