Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku yeeshay Addis Ababa, iskuna raacay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku yeeshay Addis Ababa, iskuna raacay…


Addis Ababa (Adduun.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Badr Abdelatty.

Kulanka ayaa qabsoomay intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadista iskaashiga qotada dheer ee labada dal.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta ku aaddan isku-duwidda diblomaasiyadeed, arrimaha nabadda iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga. Arrimahan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah horumarinta danaha labada shacab.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la joogteeyo wada-shaqeynta dhow ee marinnada diblomaasiyadeed ee jira, si loo hormariyo danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh iskaashi ballaaran, iyagoo horey u gaaray heshiis dhanka amniga ah. Labada dal ayaa iskaashigooda sii xoojiyay kadib heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ku dooneysay Addis Ababa inay ku gaarto biyaha Soomaaliya.

Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo sidoo kale dhawaan ciidamo u soo dirtay gudaha dalka. Sidoo kale, Qaahira waxay door weyn ka qaadaneysaa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo hub iyo qalabba siinaysa.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard