Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF oo ruqseeysay tiro kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka + Sababta - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF oo ruqseeysay tiro kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka + Sababta


Muqdsho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay kiiska ciidamo dhawaan dibad-bax cabasho ah ka dhigay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in laga goostay mushaaraadkooda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaas laga saaray liiska, sababo la xiriira ansha xumo, waxayna ku eedeysay howl gudasho la’aan iyo inay isticmaaleen maandooriye.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo waafaqsan xeerarka iyo nidaamka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay jiraan tiro askar ah oo laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha, hawl-gudasho la’aan, iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo hab-dhaqanka ciidan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu caddeeyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si joogta ah u helan xuquuqdooda, isla markaana ay u dheer tahay daryeel iyo ka war-qabka dowladooda.

Hoos ka akhriso go’aanka oo faah-faahsan;-

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo waafaqsan xeerarka iyo nidaamka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay jiraan tiro askar ah oo laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha, hawl-gudasho la’aan, iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo hab-dhaqanka ciidan.

Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda u helaan si joogto ah, uuna yahay hay’ad qaran oo huwan sharaf, anshax, iyo u adeegidda shacabka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka iyo kalsoonida shacabka.

Tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo:

– Nidaamka anshaxa iyo isla-xisaabtanka.

– Ka-hortagga isticmaalka maandooriyaha iyo fal-dambiyeedka gudaha ciidamada.

– Tayeynta iyo kor u qaadista xirfadda iyo kartida ciidanka.

– Ilaalinta bedqabka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan in cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya anshaxa ciidanka, nabadgalyada, ama sharciga ay wajihi doonto ciqaab waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa ciidamada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard